Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gantaal on April 12, 2011, 12:37:19 AM

Title: Su'aal: laab-jeex badan iyo carabka dhanaan i noqdo markii wax macaan cabo?
Post by: Gantaal on April 12, 2011, 12:37:19 AM
 Asalaamu calaykun waraxmatu laahi wabarakaatuhu Walal su aashaydu waxaa weeye laab jeex badan iyo marka aan wax macaan cabo oo markiiba carabka dhanaan uu noqdo sida cusbada oo kale   ah   marka walaalayaal talo iga siiya waad mahad santihiin
Title: Re: Su'aal: laab-jeex badan iyo carabka dhanaan i noqdo markii wax macaan cabo?
Post by: SomaliDoc on April 14, 2011, 08:03:38 PM
Laab-jeexa waa xaalad timaada markii aashitada ama dheecaanka caloosha oo ku soo rogmado hunguri mareenka.
Aashitadaas ama biyahaas kulul sida dadka qaar ay yiraahdaanba waxay dhaawac u geystaan unugyada ku dahaaran hunguri mareenka oo ay gubaan waa haddii uu laab-jeexa uu joogto noqdo.

Hadii ay saa dhacdo waxay keensanaysaa in qeybta hoose ee hunguri mareenka oo xigta xagga caloosha in ay dabacdo oo wax waliba oo caloosha galo ay si sahal ah dib ugu soo laaban karaan xagga hunguri mareenka illaa iyo dhuunta.
Cunnooyinka qaar ayaa keeno laab-jeexa sida saliidda/dufanka, basasha, caffeega, cunnada sonkorta ku badantahay, shokolaatada iyo cunnada dhanaanka badanba.
Wuxuu kaloo laab-jeexa ku badanyahay haweenka uurka iyo dadka ka buko dheefshiidka oo calooshoodu si gaabis ah u shaqeyso.

Calaamadaha cudurka laab-jeexa ayaa ka mid ah: bog hur, dhadhan dhanaan ah wax walba oo aad dhanamiso iyo af-shiir.

Ugu horreyn daawada laab-jeexa waa in aad badasho qaab nolol maalmeedkaaga adiguu ka fogaado waxyaabaha kiciyo laab-jeexa sida cunnooyinka aan kor ku xusay iyo kuwo kalaba sida cabitaannada ashitada leh, cunnada shiilan iyo liinta / oranjada.
Caanaha iyo wixii laga sameeyaba waxay daawo u yihiin laab-jeexa waa haddii caanaha aysan ahayn kuwo dhanaan sida suusaca.
Ka fogow in aad cunto cunno xilliga aad jiifsanayso ugu yaraan laba saac ka hor.
Jooji sigaar cabidda maadaama laab-jeexa uu keeno.

Hadiii intaa adigoo sameeyay laab-jeexa uu sii jiro waxaad la xiriirtaa takhtar si laguugu qoro daawooyin loogu talagalay laabjeexa laakiin waxaad ogaataa ma jirto daawo laab-jeexa ciribtireyso ee waxay kaa joojinaysaa kaliya markaa waxa aad dareemeyso.
Title: Re: Su'aal: laab-jeex badan iyo carabka dhanaan i noqdo markii wax macaan cabo?
Post by: Gantaal on April 14, 2011, 09:34:15 PM
A.c.w.w. Walaal aad iyo aad baad ugu mahad santihiin sida wanaag san ee uugu jawaab teen runtii su aalo farabadan oon qabay waxaan ka helay wabka  iyaga khayr alaah hadinka siiyo ilaay waxaan idiinka bar yaa yaa in uu janadiisa firdos ah idin geeyo aamin 
Title: Re: Su'aal: laab-jeex badan iyo carabka dhanaan i noqdo markii wax macaan cabo?
Post by: Gantaal on October 11, 2011, 11:09:02 PM
Walaal waad mahad santihiin  marka labaan walaal hada kahor  waxaan indin way diiyay  su ,aashan kore ee  ah laabjeex badan iyo carabka oo dhanaan inoqda marka aan wax macaan cabo hada  tii laabjeexa illaahay wuu iga caafiyay  markii taladii aad i sii seen raacay  waxaa se wali sidii ah carabka oon dhanaan zaa id ah kadaroomo markaan wax macaan cabo marka walaal talo iga siiya  waad mahad santihiin       
Title: Re: Su'aal: laab-jeex badan iyo carabka dhanaan i noqdo markii wax macaan cabo?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2011, 12:04:08 AM
Afka oo laga dareemo dhanaan waxay calaamad u noqon kartaa cudurro dhowr ah oo ay ka mid tahay sida aan horay u soo sheegayba cudurka gaaska oo laabjeexa la socdo.

Haddii dhanaanka aad ka dareentid carabka qabtiisa dambe iyo dhuunta waxay calaamad u tahay cudurka gaaska iyo infakshanka sanbabada.

Haddii dhanaanka aad ka dareentid afka foodiisa hore iyo faruuryaha waxay calaamad u tahay yirdka iyo xanuunnada ilkaha.

Haddii dhanaanka aad ka dareentid hal dhinac ee carabka ah waxaa keeni karo cillad ku timaada qanjirka calyada ee "Parotid", hurgunka dhegta iyo cudurka afqallooca.

Marka adigaa dareensan halka aad ka dareemeyso dhananka dhanaanka ah ee la xiriir takhtar si uu kaaga daaweeyo.