Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Iraado Macalin on January 17, 2017, 02:40:29 PM

Title: Su'aal: Hooyaday tubo ayaa dhuunta laga galiyay?
Post by: Iraado Macalin on January 17, 2017, 02:40:29 PM
asc dr' waxaa dhuunta ka xanuunsatey hooyadey waxba waa liqi weysay xataa biyaha dhib bey ku noqdeen la tusay  dhaqaatiir waxey noo sheegeen inay tubo gelinayaa si loo soo ogaado xaladeeda kadibna cad baa laga soo jarey waa la beerayaa bey nagu dheheen aygoo wax cudur ah noo sheegin ( ma aqaan hadey u sheegeen walashey oo la gashey qolka ooy  naga qarisay)  ayey dheheen waxaan ku sameyneynaa qaliin oo dhuuntaan caag ka gelineynaa ay wax ku liqdo  hada waxaa la geliyey tubadii malin ka dib waxey biloowdey inay qalasho/soo kogto sidii wax megned ku dhegey hadaba faafaahin naga sii waa maxay TUBADAN
Title: Re: Su'aal: Hooyaday tubo ayaa dhuunta laga galiyay?
Post by: SomaliDoc on April 21, 2017, 08:03:58 PM
Tubada dhuunta laga galiyay oo cadka lagu soo qaaday waxaa la dhahaa "Endoscopy", waxaa lagu ogaadaa cilladaha ku dhaca hunguri mareenka iyo caloosha sida cudurka gaaska, burooyinka jidiinka ku dhaco iyo boogaha caloosha.

Haddii hooyo qalliin lagu sameeyay, caagne la galiyay waxaa dhici karto in laga helay cudurka kansarka ee jidiinka ku dhaco, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan oo faahfaahsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5500.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5500.0)