Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdirashiid on June 16, 2012, 08:11:11 AM

Title: Su'aal: Caadada oo yaraatay iyo lafa xanuun?
Post by: Cabdirashiid on June 16, 2012, 08:11:11 AM
asalaamu calaykum

wallaal xaaskayga ayaa waxaa ku yaraaday caadada imaa tinkeeda waxaa intaa u sii dheer lafa xanuun gaar ahaan ruugaga iyo miskaha
waxay kaloo leedahay wahsi badan oo aysan isqaadi karin
fadlan iga soo caawiya arintaas
Title: Re: caadada oo yaraatay iyo lafa xanuun
Post by: Dr.Faith on June 16, 2012, 12:42:14 PM
walaal soomaaligeygu aad uma fiicna qoraal ahaan laakiin waan i'll try my best,
caadada yaraatay, ma waxaad ka wada inay timaado 35 cisho beri ka bacdi mise labo cisho iyo wax ka yar bay socotaa? walaal isbedelka caadada wax keena waxyaabo badan oo ku saabsan nafsada qofka dumara e.g werwer haduu jiro, qofka dumara haduu miisaan koro, xaalado kusaabsan hormoneska isbedela oo markaa qofka dumari yeelankarto timo gadhka kasoo baxa iyo codka oo xoogaa isbedela, waxaa kale oo keeni kara waa buro dhinaca ilmagaleenka ama meesha ukuma "ovaries", also TB ku dhacda ilmagaleenka iyo fiixda luqunta "thyroid" dysfunction....waa muhin inaad xaaska u kaxeysid dhakhtar dumar si loo baadho waxa keenaya cadada oo yaraatay..wasalaam