Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aamino on January 11, 2015, 10:00:08 AM

Title: Su'aal: Ugxanta haddii ay istaagto, maxaa lagu soo kiciyaa?
Post by: Aamino on January 11, 2015, 10:00:08 AM
Walal wan idin salamay garwaladhay ah aya su al idin waydi aysa su asha oo ah dhakharka dumarka aya waxa u ku dhahay ugxantadi way istagtay oo ma ugxamaynaydid waxayna rabta in ay wax dhasho sabababtana waxa u ku shegay in lasiyey antibotig ama anbasalin hadaba sidad utaqano ee maxakena in au ugxantu so kiciwaydo dadeduna waa 38 melaha
Title: Re: Su'aal: Ugxanta haddii ay istaagto, maxaa lagu soo kiciyaa?
Post by: SomaliDoc on January 12, 2015, 11:29:24 AM
Ugxansidaha oo howlgabo xilligii dhalmodeyska ka hor waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Hawlgabka Ugxan-sidaha soo degdega"

Waxay tahay macnaheedu in hawentu ay ugxamo soo saari wayso iyadoo aanan gaarin da'da 40 jir.

In haweentu ay ugxan soo saaridda joojiso xilliga 40 jir ka hor waxay dareentaa in caadada ay ka wareerto ama joogsato ama isku aragtaba calaamadihii dhalmodeyska.

In haweentu ay dib uur u qaaddo way adagtahay iyadoo ugxamaha ay istaageen.

Inkastoo haweenku iskaga dhacdo arintaan iyadoo aan la ogeyn waxa keenay laakiin dhaxal ahaan way dhacdaa in haweenka qaar ay dhalmogooyaan xilligii iyadoo la gaarin iyo haddii ay jirto xanuun ku dhacay ugxan-sidaha noocuu rabo ha ahaado.

Badanaa takhtarka markuu ku wareesto, baaritaano ayuu kuu dirayaa oo ay ka mid tahay hormoonada la xiriira ugxanta si loo ogaado in ay joojiyeen shaqada iyo in kale.

Hadduu takhtarka hubsado in ugxantaada ay howlgabtay, wuxuu kugula talin doonaa in aad la tacaashid kaliya waxyaabaha aad ka caban doontid ee ma jirto daawo dib ugxanta u billaabi karto ama u soo kicin karto.

Waa laga yaabaa haweenka qaar in aysan quusan oo ay takhtarka ka codsadaan in gacan rimis lagu sameeyo iyadoo ugxanta loogu tabarruco si ay uur u qaadaan (Mana ahan arrin diinta islaamka ay ogoshahay!!!)

Xanuunnada keeni karo halista in ugxan-sida uu hawlgabo waxaa ka mid ah: xanuunka lafa-burburka, sonkorowga iyo xanuunada wadnaha.

Talo ku socota haweenka aynan cilladaan weli ku dhicin waa in ay cunnada dufanka leh iska yareeyaan, sigaar cabidda ka fogaadaan, cunaan cunno leh kaalsiyam iyo fitamiin D, lana xiriiraan takhtarkooda haddii ay isku arkaan calaamad ka mid ah cillada kor ku xusan.

Halkaan ka akhriso qoraal ku aadan dhalmo-dayska "menopause": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5449.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5449.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)