Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ciisemidnimo on April 27, 2011, 05:30:32 PM

Title: Su'aal: Haween Paralysis Uur ma qaadi kartaaaa?
Post by: Ciisemidnimo on April 27, 2011, 05:30:32 PM
asc ww, bahda somalidoc,

Walaal waxaa idin weydiin rabay haweeney paralysis ah macnaha qaar ka dambe waxne ka dareemeyn oo xangulaha (spinal) wax ka gaareyn hadane saxarada iyo kaadida aan ceshan karin marka haweeneydaa uur ma qaadi kartaa?

mahadsanidinn

 
Title: Re: Su'aal: Haween Paralysis Uur ma qaadi kartaaaa?
Post by: SomaliDoc on April 30, 2011, 08:18:01 PM
Haween qaarka dambe naafo ka ah uur way qaadi kartaa laakiin waxay u badantahay in lagu qallo cunugga maadaama uusan si caadi ah u soo bixi karin.