Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on June 08, 2016, 01:26:59 PM

Title: Madax Xanuunka Bisha Ramadaan..
Post by: SomaliDoc on June 08, 2016, 01:26:59 PM
(http://somalidoc.com/Topics/madaxsoon.png)

Bismillahi..

Waa qoraalkii 6-aad ee taxanihii baraarujinta caafimaad ee bisha Ramadaan.

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa mawduuc muhiim ah oo dad badani isoo waydiinayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay ee bisha Ramadaan.

Waa madax xanuunka la dareemo xilliga soonka, sababaha keeno iyo siyaabaha looga hortagi karo?

Dad badan ayaa waxay dareemaan madax xanuun xilliga soonka khaasatan galabyadii iyo xilliga afurka, waxaa la isku waafaqsan yahay in madax xanuunkaan ay sabab u yihiin 3 shay oo kala duwan oo aan mid mid uga hadli doono.


Waxaa muhiim ah in aad ogaatid daawooyinka madax xanuunka looga hortago waxay jirka ku jiraan kaliya 12 saacadood, marka qofka lagu lama taliyo inuu daawo qaato maadaama markasta uu madax xanuun dareemi karo hadduu daawo cuno iyo haddii uusan cuninba, taladaydu waa inuu qofka habeeyaa cunanda uu cunayo iyo sida uu isku ilaalinayo.

Hadduu madax xanuunkaaga sii socdo ramadaanka ka dib waa in aad dhakhtar la xiriirtaa.

Akhriso qoraal hore oo aan ku falaanqeeyay Noocyada Madax Xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)