Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on December 20, 2017, 03:07:22 PM

Title: Sida Loo Baab'iyo Qolofta Cagta..!
Post by: SomaliDoc on December 20, 2017, 03:07:22 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qolof.png)

Bismillah,

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa cillad badanaa lagu arko cagaha, aadne ugu badan bulshada, cilladaasoo afka qalaad lagu dhaho "Corns" ama "Callus".

Waxay cilladaan ka timaadaa maqaarka cagta oo adkaado cadaadis saarmay muddo dheer awgeed, kadibne unguyada la cadaadiyay oo dhinta, midabkane isbadalo, waxayna mararka qaar keentaa xanuun iyo danqasho markii la tuujiyo ama si kadis ah loogu istaago. waxaana badanaa lagu arkaa qeybta lafaha cagta ku aadan sida suulka gadaashiis, anqawga, faraha korkooda siiba faryarayda dhinaceeda iyo ciribta.

Badanaa wax dhib ah ma keento, meelo cagta ka baxsanne uma gudubto, mana ahan wax la kala qaado, sida ugu badan daawo la'aan ayay iskaga baaba'daa, weliba adigoon ogayn mararka qaar.

Sababtuna waa qolftii adkayd oo sidii ay u fiiqmaysay iska baaba'day, laakiin markay muddo qaadato, cadaadiskane ku sii socdo, waxay keentaa xanuun siyaado ah taasoo u baahan in xal loo raadiyo.

Yay cilladaan ku badan tahay?
Waxay cilladaan ku dhalataa dadka cagaha qallalan ama qulqulka dhiigga lugahoodu ku yar yahay sida dadka xididada ka jiran ama macaanka qabo, dadka ku nool dhulalka dabeylaha, kabaha furanne qaato iyo dadka xirta kabaha ku dhaggan ama taakada leh.

Sidee loola tacaalaa cilladaan?
Markii hore qalliin ayaa lagu daaweyn jiray, waxaana la jaraa qolofta adag ee samaysantay, kadibne sidaas ayay ku raysataa, laakiin waxaa jira dhiiqooyin ama kareemyo aad ugu roon cilladaan oo la mariyo, waxay baaba'inayaan qolofta adag, waxayna soo reebayaan qoloftii jilcanayd ee cagta lagu yaqiinay, Bamaatada ama dhiiqada loo isticmaalo waxaa la yiraahdaa "Salicylic Acid", waa daawo la gadan karo iyadoo aan dhakhtar kuu qorin waxaa meelaha qaar laga helaa iyadoo goojo camal ah, xanjo camal ah ama sharooto lagu dhajinayo meelaha cilladaan kaa haysato.

Bamaatadaan ama dhiiqadaan lama mariyo meel ka baxsan meelaha qolofta fuushay, dadka macaanka qabane waa inay taxaddaraan markay isticmaalayaan maadaama maqaarkoodu uu jilcan yahay, dhakhsane ku bogsan karin hadduu dhaawac gaaro.

Xanuunada kale ee lagu qaldo cilladaan:

Haddii uu jiro xanuun maqaar oo aad ka cabanaysid, waxaad sawirkiisa iigu soo diri kartaa qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
Title: Re: Sida Loo Baab'iyo Qolofta Cagta..!
Post by: Akhaa Binu Jowhari on December 20, 2017, 05:09:33 PM
Doc, mahasanid sida quruxda badan aad ugu faallootay  Qolofta Cagta, een waxan jaclaan lahaa cudurada ku dhaca cagaha sida, Caynu-Samak oo weliba si dhaqso ah ku raysanayn, meelaha ku dhaco ay kamid yihiin ciribta, suulka hoostiisa iyo farahaba. Baan jaclaan lahaa in wax kaa weydiyo.
Title: Re: Sida Loo Baab'iyo Qolofta Cagta..!
Post by: SomaliDoc on December 20, 2017, 06:32:23 PM
Caynu-samak waa magac carbeed oo ay carabtu u taqaano cilladda "Honqorta cagta" oon kor ku tilmaamay, booqo link-gaan horay ayaan uga hadalnay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5637.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5637.0.html)