Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Buraale143 on April 14, 2011, 10:37:08 PM

Title: Su'aal: waxaa aad ubadan saxarada?
Post by: Buraale143 on April 14, 2011, 10:37:08 PM
waxaa aad ubadan saxarada marka dhib ayayay igu hasysa arintaasi , 5 jeer melaha ayaan gala musqusha , wax babasiir ah ima hayaan lkn mar walba waxaan daremaaya xanuun ah in aan saxaro u bahanahay
Title: Re: Su'aal: waxaa aad ubadan saxarada?
Post by: SomaliDoc on April 19, 2011, 10:00:13 PM
Haddii su'aashaadu ay tahay inta jeer oo musqusha saxaro u gasho ayaa badan waxaa keeni kara dhowr cudur oo ay ka mid tahay:
1- Xanuunka Lurta leh ee mindhicirrada "Irritable Bowel Syndrome"
2- Kacsanaanta qanjirka Toroodka "Hyperthyroidism"
3- Caabuqa Maroorka "Proctitis"

Si loo ogaado cudurka kuu keenay dhibaatadaan aad ka cabanayso waxaan u baahannahay waribixin dheeraad ah oo ku saabsan calaamadaha kale aad dareemeyso sida: calool xanuun, dibbiro, saxaro baddlan, wadna garaac badan, dhiig ama malax saxarada soo raacdo, xanuun maroorka ah, dareen in aad saxarooto ah laakiin aan waxba kaa imaynin, cunno qaadasho badan IWM.
Title: Re: Su'aal: waxaa aad ubadan saxarada?
Post by: Buraale143 on April 28, 2011, 09:46:36 PM
walaal aniga calaoosha la igama qabto mida kale wadna garaac majidho , dhiig iiyo malax midna maleh saxaradeeda . mana badalna saxaradaydu , lkn maroorka ayaan kadareema  xanuun ah in aan suuli u bahanahay , hadaan galona waxay u badantahay in aan saxaroodo , lkn xanuun ayaa jidho dhanka hoose ee dabada , dhakhtar ayaan u tagay waxa u yidhi ma ahan baabasiir , waxa kalo jidha magaloyinka kale markaan aado waa iga yarada xanuunka ama aan kusaxaroodo meel cidla ah ama banaan xanuunka  lkn gurigayaga markan jogo ama magaalada aan deganahay ayuu  aad iigu bataa , aniguna waxaan kashakiyay in ay tahay suuliga aan galo oo badanaa dawoyin lagu shubo , dhowr sano lkn laguma shubin hada marka ma isdhihi karnaa suliyaasha qaar aya keeno waxakan oo qurmonka ama wax dabada ka galayaan.

markaa hadaan meel banan ah ku saxaroodo , mabadato saxaradeedo , xanuunkana wa iga yaraada lkn saxarada badan waa inta aan gurigayayga joogo , lkn mar hadii aan magaalo kale joogo , madareemo badanaa xanuunka , waxaana joga somalia aniga. arintaana familka dhow jeer ayan ushegay , wax la ima dhihin o dadka kale ilanool badanaa way dareeman sidaa o kele
Title: Re: Su'aal: waxaa aad ubadan saxarada?
Post by: SomaliDoc on April 30, 2011, 09:49:52 PM
Haddii aad dareentay in isbaddal ku dhacay qaabka aad u saxarooto ama aad isku aragtay in saxarada ay badatay waxaa laga yaabaa in uu ku hayo IBS "Irritable Bowel Syndrome" oo macnahiisu yahay "Xanuunka Lurta leh ee Mindhicirrada".

Inkastoo aan la ogeyn waxa keeno xanuunkaan laakiin waxyaabaha uga sii dara xanuunkaan qofka haayo waxaa ka mid ah:
Cunnada badan
Dibbiro
Daawooyinka qaar
Cunnooyinka qaar sida qamadiba, shokolaatada, waxyaabaha caanaha ka samaysan.l
Cabitaannada sida kafeyga, shaaha iyo cabitaannada aashitada leh
Isku-buuqa, welwelka iyo niyad kaca.

Xanuunkaan wax dhib weyn ah ma keeno laakiin waxaa calaamadaha lagu kontorooli karaa in cunnada la isku dheelitirto, laga fogaado waxyaabaha kaga dara, in buuqa iyo welwelka la iska yareeyo iyo in jimicsi joogto ah la sameeyo.

Xanuunka waa is badali karaa iyadoo ay ku xirantahay meesha aad suuliga ka galaysid taasoo la xiriirta niyadda iyo nafsiyaatka qofka.

Qoraal tafatiran oo ka sheekeynayo cudurkaan dib ayaan ka soo qori doonnaa.
Title: Re: Su'aal: waxaa aad ubadan saxarada?
Post by: Buraale143 on May 19, 2011, 04:47:04 PM
waan gartay waad mahadsantahay 100% doctor ,l waxii faahfahin danbena waan sugi insha allaah