Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dhoore12 on July 08, 2015, 09:29:31 PM

Title: Su'aal: Xaaskeyga uur ma yeelan, Sababtu ma noqon kartaa?
Post by: Dhoore12 on July 08, 2015, 09:29:31 PM
mar alla marka aan xaaskeyga u tago ee aan biyaha tuuro markaan ka sii kacayo dhamaaan biyaha wey isoo raacayaan oo dakarka ayey soo raacayaan waxaan is qabnaa mudo 6 bil ah welina xaaskeyga uur ma yeelan wax saameyn ah miyey igu yeelan kartaa arintaaas? mise qeyb uun wey ku hareysaaa?
Title: Re: Su'aal: Xaaskeyga uur ma yeelan, Sababtu ma noqon kartaa?
Post by: SomaliDoc on July 12, 2015, 01:51:19 PM
Horay ayaan uga jawaabnay su'aalo tan la mid ah, waa dabiici in biyahaagii ay haweentu dib uga soo daataan, mana ku xerno uur qaadis la'aanta, halkaan ka akhriso jawaabta su'aashaada oo faahfaahsan:
1- Su'aal: Shahwada inee bananka uso daadato markasto, dabiici miyaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5837.0.html)
2- Su'aal: Biyahii aan ku shubay gabadha ay soo celinaysaa? (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5768.0.html)