Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sahal143 on April 01, 2017, 06:00:50 PM

Title: Su'aal: Perianal fistula?
Post by: Sahal143 on April 01, 2017, 06:00:50 PM
Asc dr waxan rabaa in aan ku weydiiyo mardhow ayaa qaliin la igu sameeyey perianal fistula ah meesha qaliinka way furan tahay marka aan saxroonayo saxaradu meeshii jidkale ayey u noqotey 13 malin ayaa laga jooga qaliinka markan isbitalka aadey waxay i dhaheen way is soo buixineysa marka
1.meesha ma furan ayey i dhaheen ani in ay furan tahayna waan ogahay
2.meel saas u furan ma is soo buuxineysaa
3.kaniini alfasalin 10 tablet kaliya ayey ii soo qoreen amoxicillin ma isticmaali karaa
4.mahadsanid  :'( :'( :'( :'( :'(
Title: Re: Su'aal: Perianal fistula?
Post by: SomaliDoc on July 14, 2017, 08:01:33 PM
Fistula waa xanuun qalliin lagu daaweeyo, badanaa marinta khaladka ay ay saxarada soo raaci jirtay waa la furaa si aysan marin u noqon mar dambe, mararka qaarne waa la daariyaa hadday nadiif tahay.a

Daawada Amoxcillin waxay ku caawinaysaa kaliya markuu caabuq jiro, laakiin waxaa taasi kaaga muhiimsan inaad biyo kulul oo cusbu lagu daray aad ku fadhiisatid maalintii sadax jeer muddo 10 daqiiqo ah, tani waxay ka hortagaysaa caabuqa, meeshane way nadiifinaysaa. khaasatan waxaa fadhigaas la sameeyaa markaad musqusha ka soo baxdo oo aad xaajo gudatid.

Akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Fistula-da: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5618.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5618.0)

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin intaa dheer, igala soo xiriir barnaamijka rukumashada ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)