Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Nabadoonka on June 10, 2008, 12:39:04 AM

Title: DADKA WAALAN OO GUDAHA DALKA JOOGA.
Post by: Nabadoonka on June 10, 2008, 12:39:04 AM




   Dadka waalan oo gudaha dalka jooga, makula tahay in waalidooda eey uga sii dareyso daruufaha dalka ka jiro owgeed? mise umaleyneysaa in dad fiicnaa eey ku waalan karaan duruufaha adag oo dalka ku jiro maanta.
Title: Re: DADKA WAALAN OO GUDAHA DALKA JOOGA.
Post by: Munim on June 10, 2008, 10:23:32 PM
dabcan darufaha xun uu marayo dalkeena iyo dadkeenaba waxa ay samayn xoog leh ku ledahay cafimadka maskaxda dadkena iyo qabka fikirkooda tasna waxa sabab u ah nolosha adag ee lasoo daristay shacabkeena yacni waxay samayn ku ledahay:-

 hoyooyikii uurka leh oo awoodin in ay helan raaxo ama cunto ku filan cafimadkooda bal logu si darayo xabad 4 jiho loga kenayo oo ay ku neefsato baruuda sunteeda iskaba daay in ay hesho xanano cafimad iyo daryeelka hoyada iyo dhalanka.
 
ilmaha uurka ku jiro oo isagana anan helin wixi saxda ahay ee u bahna xananayn iyo ilalin bal laga yabo in ay marwalbo oo ay xabad jug dhahdo oo hoyada isku naxdo isagana jug kale ku garto calosha.

 duqoshinki da'da ahayna sidookale mathalan kuwii qabay  Hypertension markastoy si naxan ama xanaqan wa kusii kaca iyo waxyabo badan on laso kobikarin.
marka xalada wadan samayn toos ah iyo mid an tos ahayn ay ku ledahay cafimadka maskaxda dadka dadka walana oo dalka jooga wa natiijo kasoo baxday dhibatoyinkas ha ahato mid nabadgalyo ama mid dhaqalo.
Title: Re: DADKA WAALAN OO GUDAHA DALKA JOOGA.
Post by: Ahned on February 04, 2011, 07:15:10 PM
maanta wadanka dhibaatada ka taagan oo ay dadka la waalanayaan shaqa la.aanta ka jirta iyo baahida ninka maxuu la waashay wuxuu la waashay ilmo ayaa ku xariira meel oo uu wax oogu keeno ma jirto famali borobalem waaye waxa dhibaatada u keeno waalashada
Title: Re: DADKA WAALAN OO GUDAHA DALKA JOOGA.
Post by: Pharmacist on February 05, 2011, 10:47:11 PM
Ereyga waalan ma habboona in loo isticmaalo dadka qaba cudurrada dhimirka maxaayeelay waa bukaan la mid ah bukaannada kale qabane cudur la daaweyn karo.
Haddii aan dhahay bahda caafimaadka ereyga waalan waa laga haboonyahay, dadka xanuunsanayane allaha caafiyo.