Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sahnuunyar on July 01, 2014, 12:55:30 PM

Title: Su'aal: Dacwashiir inta lagu guda jiro bisha ramadaan?
Post by: Sahnuunyar on July 01, 2014, 12:55:30 PM
asc dhamaan dhaqatiirta sharafta leh, Bilkasto ramadan waxan ku rafada ''DACWASHIIR'' kaso ii keno raxo la'aan malinta oo dhan ila laga garo xilaga afurka. Hadaba dhaqatireey maxa sababo dhibatadaan? sidesa loga hortaga ama loga gashanta


Dhamaantin waad mahadsantihiin
Title: Re: Dacwashiir inta lagu guda jiro bisha ramadan
Post by: SomaliDoc on September 04, 2014, 11:29:46 AM
(http://somalidoc.com/Topics/afur.png)

Dacwashiirka iyo dibbirada waa dhibaatooyinka ugu badan ee laga sheegto bisha ramadaan, haddii aan soomaali dhahayne aad ayay noogu badan tahay dhibaatadaan.

Haddii aad dacwashiir ama dibbiro aad leedahay afurka ka dib, waxaa kaga hortagi kartaa adigoo raaca talooyinkaan.

Haddii aad isku ogtahay Gaas oo daawo aad ka qaadan jirtay, raac tillaabooyinka ku qoran qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)

Haddii aad leedahay dheefshiid xumo ama aad isku ogtahay xanuun caloosha ama mindhicirrada, qoraalkaan ayaa laguugu talagalay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html)

Haddii aad intaasba aadan lahayn oo dhibkaaga uun bisha ramadaan kaliya uu yahay, iska sax khaladaadkaan oo raac talooyinkaa:


Waxaan idiin rajaynayaa Soon caafimaad leh, haddii aad talo haysid hoos kula wadaag asxaabta, Mahadsanid.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Dacwashiir inta lagu guda jiro bisha ramadaan?
Post by: Axmed love on June 05, 2016, 06:53:29 PM
Doctor marka hore aad ayaad u mahadsan tahay
Marka xigta qodobadan sidee isu wafajiyaa
Halkan waxaa ku jira laba qodob oo ah
(1)hadaad shaah ama qaxwo cabaysid ka dhigo cuntada ka dib  madaama ay dheef dhiidka cawinayaan
(2) hadii ad cunaysid fruits ugu danbeysii liiska cuntada

Balse horey waxaan u akhristay lix waxyaabood oo aan cuntada ka dib caafimadka khatar ku ah oo ay ka mid ahaayen
(1)Cuntada ka dib ha cabin shaah
(2)Cuntada ka dib ha cunin fruits sida tufaxa
Afarta qodob oo kale ma khuseyan  labada qodob oo hore lkin waxay ahaayeen
Cuntada ka dib ha seexan aminkaba
Cuntada kadib ha qubeysan ila mudo saacad ah
Cuntada ka dib ha cabin sigaar
Cuntada ka dib jimicsi ha samayn

Markaa doctor iga shaki saar sida qodobada hore isu qabanayaan

Aadbad u mahad san tahay
Title: Re: Su'aal: Dacwashiir inta lagu guda jiro bisha ramadaan?
Post by: SomaliDoc on June 20, 2016, 02:46:03 PM
Waa su'aal fiican, labada talo waxay ku kala xiran tahay xaalada qofka, talada 1-aad waxay ku socotay talooyinka dadka soomaan, maadaama sida caadiga ah cunnada badankeed habeenkii la cuno, weliba ay dhici karto cunno caloosha ku culus sida hilib iyo waxii la mid ah qofka wuxuu u baahanaa in shaah ama qaxwo u dambaysiyo si dheefshiidka u caawiyaan, mana haboona calool maanta dhan soomanayd iyo qaxwo ama shaah lagu bilaabo, qudaartane sidoo kale hadiiba aad cunaysid cunnada ka dambaysi, maxaa yeelay haddii aad ku hormartid, dharag ayaad dareemaysaa, cunanda kale ma cuni kartid, sidaasne gaajo inay ku qabato maalintii ayaa suurowdo.


Talada labaad waa dadka aanan soomanayn oo looga cabsanayo dheefshiid xumada iyo dibbirada ama gaaska, waana qof aanan soomanayn oo quraac, qado iyo casho heli karo.

Waxaan filayaa in aad fahantay, waadna ku mahadsan tahay su'aashaada, maxaayeelay waa lagu wareeri karaa haddii aan sidaan loo waadixin, mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Dacwashiir inta lagu guda jiro bisha ramadaan?
Post by: Axmed love on June 23, 2016, 11:44:41 PM
Adaa mudan in badan dr

Adbaan  kaaga mahad celiya sida wanaagsan aad igusoo jawaab celisay ama aad ii fahansiisay

Waa bil ramaadane ilahaay khayr aduun iyo mid aakhiraba haku siiyo

Wacyi galin waanagsan ayaanu kahelnaa had iyo jeer forum kan

Ilaahay haydiin fududeeyo shaqadaad umadiina u haysaan