Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: AarDacar on August 13, 2015, 09:28:33 PM

Title: Su'aal: Majiraa Jawaab Ilmuhu Bixiyo Markuu Caafimaadkiisu Taam yahay?
Post by: AarDacar on August 13, 2015, 09:28:33 PM
Waxaa Jirta Caada Dhaqameed Odhanaysa Carruurta Inay Caafimaad Qabaan Waxaa Lagu Ogaadaa HAB DHABASHO Sidii Higadda Oo Kale. Markaa Dr. Majiraa Jawaab Ilmuhu Bixiyo Markuu Caafimaadkiisu Taamyahay, Oo Laga Qiyaas Qaadan Karo, Maxaanse Ilmaha Caafimaadka Qaba Ku Ogaan Karaa?
Fiiro Gaara: Ilmaha Aan Ka Hadlayaa Waa Ilmaha U dhexeeya 6 Bilood ilaa Sanadka.
Title: Re: Su'aal: Majiraa Jawaab Ilmuhu Bixiyo Markuu Caafimaadkiisu Taam yahay?
Post by: SomaliDoc on August 15, 2015, 12:52:33 PM
Waxaa lagu ogaadaa ilmaha da'da aad tilamantay jiro in ay caafimaadkoodu taam yahay iyo in ay wax ka cabanayaan arrimahaan soo socdo:
1- Cunuga oo codkaaga ama taabashadaada ku dago ama ku aamuso ama u bago.
2- Cunuga oo xafaayada ama baambariska qooyo maalintii dhowr jeer, miisaankiisuna sii kordhayo.
3- Cunuga oo aamusan oo la socdo hareerihiisa ama jecel inuu ka warqabo waxa ka dhacyo qolka ku jiro.
4- Cunuga oo markuu shanqar maqlo aamusa oo isku dayo inuu dhagaysto ama raadiyo meesha codka uu ka imaanayo.
5- Dhoolacadaynta iyo la ciyaarka qoyska waa astaan caafimaad.
6- Cunuga oo hurdo ku filan helo ooyintiisuna ay yartahay.

Cunuga hadduu xanuunsan yahay waxaa ku fahmaysaa ooyin aan la garanayn sababta keentay, hooyada oo heyso ama waalidka oo uusan daganayn, xanaaq dhaw iyo hurdo la'aan.