Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: m.mo141 on August 14, 2015, 09:42:33 AM

Title: SU'AAL: XAMEEETADA O DHAGAX KU JIRO XALKEEDA?
Post by: m.mo141 on August 14, 2015, 09:42:33 AM
WAAD SALAAMAN TIHIIN BAHDA SOMALI DOC

Hooyayda ayaa Xanuun dareentay caloosha ah mudo ka hor way baxday waxay aaday HOSPITAL waxayna is saartay COMPUTER waxaa la

dhahay XAMEETADA waxaa kugu jiro DHAGAX waxay qaadatay daawooyin marki u dhamaden waxay ku labaty HOSPITAL waxa la dhahay

Dhagaxa wu ka baxay lkn waxa jiro INFECTION o ah meesha dhgaxa fadhiyay ah way aamin wayday in u baxay dhagaxa  hospitalo badan

ayay aaday waxaa la dhahay dhagax  kuguma jiro mudo yar ka dib dhagaxa wu dhalana ila hada hooyo waxay qaadata daawoyin o wu baa'baa hadana wuu dhashaa

DOCTORSKA  waxay dhaheen waa lagu qalaa hooyo qalinka ayay ka cabsaneysaa o Dawoyin ayay isticmaasha  hooyo cunto badan

ma cunto haday saaid u dharagto way mantage o dharaga way iska ilaalisa darad mar ayay computer is soo saartay waxa ladhaahay

ilmo galenka ayaa Buro maaga jirto kilidana dhagax aya kugu jiro e waalagu qalaa dawoyinkan so qado

marka maxaa talo ah oo aad siin laheeden hooyo ???

dhagaxaan mar walbo dhalanaayana wa maxay  ?

Cunto nooce ah ayay qaadane ???

xameetada o la qalo way dhib ah miyey keentaa


wa mahadsan tihiin
Title: Re: SU'AAL: XAMEEETADA O DHAGAX KU JIRO XALKEEDA?
Post by: SomaliDoc on August 15, 2015, 12:30:34 PM
Marka hore, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan caabuqa xameetida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html)
Halkaane waxaad ka akhrisataa qoraal ku saabsan qalliinka xameetida lagu sameeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1425.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1425.0.html)

Midda kale, badanaa way dhacdaa in dadka qaar ay leeyihiin dhagaxa xameetida ee soo laalaabto, wuxuuna badanaa ka samaysmaa dacarta xameetida lagu keydiyo ee loo yaqaano "bile acid", dadkaas badanaa waxaa lagula taliyaa qalliin.
Qofka hadduu xameetida ka jiran yahay waxaa talo ahaan loo siiyaa inuu ka fogaado cunnooyinka dufanka ah.
Sababha kale oo qalliinka loogula taliyo qofka leh dhagaxa soo laalaabto waxaa ka mid ah in ay dhici karto halista in dhagaxa uu ka soo daadago xameetida oo soo galo dhuumaha ka baxo, tanne waa arrin halis ah oo qofka qalliin culus oo dagdag ah ayuu u baahnaan karaa, midda kale dhakhaatiirtu waxay sheegaan xameetida sida joogtada dhagaxa ugu samaysmo waxaa dhici karto muddo markii ay ka soo wareegato in kansar ku dhalan karo maadaama dhagaxa uu dhaawacayo dahaarka xameetida sidaasne ku dhalan karaan unugyo aan dabiici ahayn oo hadhow isku badali karo kansar.