Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: To be honest on October 27, 2016, 04:13:25 PM

Title: Su'aal: Vaginal infection?
Post by: To be honest on October 27, 2016, 04:13:25 PM
As/c, walaal waxaan rabaa inaan su' aal kuweeydiiyo hadii aad aqoonteeda leedahay,                       dictoore uur bil iyo bar camal ayaan leeyahay waana xanuunsanahay oo waxaa ihaayo Vaginal infection marka shalay ayaan diktoorkeeyga utagay wuu ibaaray wuxuuna isoo qoray saboosto oo sadex habeen aan isticmaalaayo markaan isticmaalay xabadii ugu horeeysay waxaa iga yimid biyo kulul oo ur badan oona kulul waxayna wateen cuncun oo meesha ay soo mareen ilaa iyo hada waa idhaawac xataa afka hore dhaawac ayaan kadareemayaaa, marka su'aasheeyda waxay tahay anoon dhaqtarka kulaaban saboosta kale oo sadex habeen ah maku soo darsankaraa? Tankale vaginal infectionka ilmaha dhib muu gaarsiinaa? Waana mahadsantahay?
Title: Re: Su'aal: Vaginal infection?
Post by: SomaliDoc on October 31, 2016, 03:51:00 PM
Infekshanka hadduu gudaha u gudbo, wuu saameyn karaa uurka inkastoo aysan sidaa badanaa dhicin, laakiin markaa foolanaysid ayuu dhib kuu keeni karaa infekshanka.
Midda kale daawo kale oo laguu soo qoray soo ma jirin oo halkaas sumboosto aanan ehayn, badanaa hal sumboosto kaliya lama qoro, infekshanka lagaa helayne ma baaris ayaa lagu arkay mise wiisiteyn? haddii la baarayne sidee laguu baaray?
Title: Re: Su'aal: Vaginal infection?
Post by: To be honest on October 31, 2016, 07:03:50 PM
As/c,, walaal thanks maya wax baaritaan ah muusan sameeyn oo sida la iihaayey ayaan usheegay cuncun wareega ah ayaa ihaayey iyo malax ayaa iga socotay marka uurka aan hada wado waa kii afaraad oo waa dhaqtarkeyga oo asagaan ku xiranahay sida la iihaayo aan usheega wiisito ayuu isticmaalaa wuxuuna isoo qoray hal saboosto ah oo aan sadex habeen isticmaalay iyo labo kaniini oo fitamiin ah marka meeshaan isbadal ka arki lahaa waaba kasiidaray oo hada waxan dareemaa cuncun gudaha ah iyo biyo kulul ayaa iga imaanaayo mar weey cadyihiin mar waa kalar marna waa malax marka dhaqtarkeeyga ayaan maanta kulaabtey majoogin oo tacsibaa gashay marka beri uu soo galaa ayeey igu yiraahdeen marka beritaan ku laabanaa ilaahey haduu yiraahdo, marka waxaan kashakisanahay inuu yahay THRUSH YEAST INFECTION, waxaana kacabsanaa ilmaha inuu iga soo rido ama uu dhib gaarsiiyo lakiin waan dadaalaa intii tabarteeyda ah marka walaal waxaan kaa rabaa talo iyo sida loobaaro oo aan ku ogaankaro inuu yahay THRUSH,  wixii karaankiina ah oo talo ah ayaan idinka sugaaa tankale diinta islaamka ma ogoshahay inuu nin kuwiisiteeyo, waxaan kaloo idin weeydiinaa ninkeeyga inuu cudurkaan ugudbay malaga yaabaa inkastoo wax xanuun ah ama istaamo infection aanan ku ogeey, waad mahadsantahay diktoore 
Title: Re: Su'aal: Vaginal infection?
Post by: To be honest on October 31, 2016, 07:11:09 PM
Walaal wuxuu isticmaalay ama badanaaba uu isticmaalaaa fartiisa oo waa diktoor qibrad fiican uleh mudo lixdan sano kudhowaad ayuu shaqadaan kujiraaa
Title: Re: Su'aal: Vaginal infection?
Post by: SomaliDoc on November 04, 2016, 06:36:22 PM
Waa suuragal in caabuqa "yeast-ga" uu yahay, inkastoo taasi laftirkeeda waxaa lagu ogaan karaa, waraysi iyo wiisiteyn, baaritaan kaadida ama qoyaanka kaa imaanayo waa la samayn karaa.
Fadlan ku laabo oo safiican u waydii su'aalaha kugu taagan oo idil, ninkaaga wuu u gudbi karaa hadduu xanuunkaas yahay, wauxuuna dareemayaa cuncun qooraha iyo meesha tinta shuunka ka soo baxdo, wuxuu kaloo dareemi karaa in maqaarka uu leeyahay fiiqfiiq oo kale ama faruuruc aad u yaryar.