Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: To be honest on October 27, 2016, 06:50:36 PM

Title: Su'aal: Waxaan ahay gabar uur leh oo walac ah?
Post by: To be honest on October 27, 2016, 06:50:36 PM
As/c, somali doctor walaal waxaan ahay gabar uur leh oo walac ah waxaana ii joogo cunug sideed bilood iyo bar jira, jawaabihiina nuujinta iyo uurka waan aqriyay, lakiin su 'aashaan qabo waxay tahay daqtarkayga xataa wuxuu igu dhahay cunuga naaska haka jarin hadana maanta kulabo ah naaska manuujinin oo waan ka daayey sababta aan oga daayey jawaabteeda ayaan idinka rabaa waxaan isku arkay caloosheeyda iney wax kanuux nuuxsadaan iyo markuu cunuga naaska nuugo inuu shubmo everytime uu nuugo wuu shubmaa waana qof droogeysan camal oo qof suux suuxsan waaye marka labo aa iiga horeeydey labaasba saanan ku arki jirey oo markaan uur inaan leeyahay aan ogaado waan kawada jaray midkaana sidoo kale marka dhaqaatiirta haka jarin ayey kuleeyihiin marka markuu naaska nuugo haduu shubmaayo inaan kajaro soo mahaboona? Marka arintaan jawaab haleeyga siiyo?
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay gabar uur leh oo walac ah?
Post by: SomaliDoc on October 31, 2016, 03:48:45 PM
Waxa calooshaada ka nuuxnuusanayo waa minka oo giigsamayo "uterine contraction", waxaana keenayo hormoon la xiriiro naas nuujinta oo loo yaqaano "Oxytocin", midda ku saabsan shubanka iyo dhacsanaanta cunuggane waa isbadalka dhananka iyo tayada caanaha oo badanaa isbadalo markay hooyada uur qaado, dabcan haddii aad sii nuujisid iyo haddii kalba naasaha si aayar ah ayay u guri doonaan maadaama aad uur yeelatay, laakiin haddii aad dareentay in cunuga iyo adiga ay ku dhibayso nuujinta waad joojin kartaa.

Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2529.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2529.0)
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay gabar uur leh oo walac ah?
Post by: To be honest on October 31, 2016, 07:53:57 PM
Thank you so much walaal ilaahey ha idin dhoowro, walaal waxaan kaloo kuweeydiinaa intaanan ogaan inaan uur leeyahay ayaa madaxa wuxuu ii xanuunaayey saaid marka waxaan isticmaalay PANADOL EXTRA oo guriga iiyaalay sadex xabo ayaan ka cunay 1500 meeshaan sugaayey inuu iifiicnaado muusan fiicnaan saaid ayuu ii xanuunay waali camal oo maba umalaynin inaan uur leeyahay oo infectionka ayaan isaga shakisanaaa, markaasaan shakiyey oo waan iska joojiyey daawo oo dhan testiga uurka ayaan isku baarey positive ayuu isoo qoray sidaasaan isbitaalka ku aaday oo aan infectionka dhaqtarka usheegay asagana marlabaad ayuu testiga uurka igu baaray marka midaa kaniinigaan aan isticmaalay asaga umaanan sheegin ee waxaan kuweeydiinaa kaniinigaas dhib miyuu ikeenikaraa?
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay gabar uur leh oo walac ah?
Post by: SomaliDoc on November 04, 2016, 06:37:28 PM
Maya, kaniiniga Panadol-ka waxyeello uma geysto uurka.