Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on December 25, 2008, 09:09:00 PM

Title: Cambaarta Madaxa (Tinea Capitis)
Post by: SomaliDoc on December 25, 2008, 09:09:00 PM
(http://somalidoc.com/Topics/cambaarta.png)

Maxay tahay?
Cambaarta waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Tinea", waa infakshan guud oo maqaarka ku dhaca waxaana keena jeermiska loo yaqaano fangaska, Tinea nooca dhalada ama basada iyo jirka gala waxaana loogu yeeraa afka qalaad "ringworm".
Aad uguma badna carruurta ka yar laba asano, laakiin wuxuu aad ugu badan yahay caruurta dugsileyda ah.

Xaggee ku dhacaa?
Tinea wuxuu ku dhacaa dhalada ama basada, wuxuuna u muuqdaa dhibca yaryar oo tima ka goƩen kadibne tinta ayaa ka buubto oo waxaa u keedaa sidan sawirka kore ka muuqdo.

Cambaarta noocaan ahi waxay ku dhacdaa jirka meel kasta, maqaarka, cagaha, calaacalaha, cidiyaha iyo tinta intaba.

Waxaana lagu gartaa markay tinta iyo maqaarka ku dhacdo inuu wareeg ahaan tinta uga buubto madaxa ama jirka goobaabin ahaan nabar ah u samaysanto sida lacagta shilinka ah oo kale meel lagu sawiray.

Xanuunkaan si sahlan ayaa loo kala qaadi karaa haddii la isla isticmaalo shukumaanada, dharka iyo saabuunta lagu qubeysto.
waana sababta keentay in caruurta ku dhex faafto khaas ahaan kuwa dugsiyada iyo iskuulada dhigto intaba.

Maxaa dhaliya?
Tinea waa infakshan uu keeno jeermiska fangaska.  cayayaanka noocaan ah waxaa iyana isu gudbin kara mukulaalaha iyo eyda yaryar. Midka ku dhaliya fangaska cagaha waa ka duwan yahay. Kani badanaa wuxuu degan yahay meesha lagu qubaysto iyo agagaareheeda, ceelasha dabaasha iyo barkadaha. Carruurtaadu waxay ka qaadi karaan tinea waalidka ama wallaalohooda waaweyn oo qaba tinea. Kabaha sida kuwa lagu ordo/cayaaro waxay ku dhaliyaan cagaha inay diirimaad noqdaan oo dhididaan suurtana geliyaan inuu ku dhasho tinea. Cayayaanka gala cidiyaha lugaha wuxuu la socdaa midka cagta.

Sidee looga hortagaa? laguna daaweeyaa?
Cayayaanka (Tinea) gala dhalada waxaa lagu daweeyaa daawada lidka fangaska taas oo dhakhtar kuu qoro. Kareemka lidka fangaska waxaa laga heli karaa farmashiyaha badankood.
Haddii ilmahaagu qabo jeermiska fangaska ee wareegsan (ringworm), waa in aad dhakhtar la xiriirtaa, sidii caruurta kale uga ilaalin lahaydne waa in aad samaysaa.

Haddii aad qabto su'aalo intaa dheer ku soo weydii qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Cambaarta Madaxa (Tinea Capitis)
Post by: Hashi1 on June 21, 2013, 04:18:38 PM
Jazakumulah khyran waa websiteyada wax ku ool ka ah ee somalidu leedahay siiba kuwa quseeya Caafimaadka , dhowr jeer hadba cinwaan baan kabaaraa kuwa dhif ah maahane intakale xog iyo qoraalo diyaar ah baa ku jira ... mover forward shaqadaad haysaana haka daalina .