Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Amiin Omar on May 31, 2018, 09:25:48 AM

Title: Su'aal: Kaadi badan ayaan isku arkaa xilliga soonka?
Post by: Amiin Omar on May 31, 2018, 09:25:48 AM
Asc Somalidoc Ilaah ha idin barakeeyo , waxaa rabaa su'aal inaa idin waydiiyo , maalma Soonka waxaa isku arkaa kaadi badan xitaa hadii aan koob barkiisa oo biya hadaa cabo waqtiga Suxuurta wax is badala ma arko kaadida sideeda tahey 5-7 jeer maalintaas as Ku noqdaa musqusha , halka habeenkii markaa afuro oo wax cuno biyo badana cabo waxaa musqusha galaa 3-4 jeer. Sidoo maalinta waxaa kaloon isku arkaa af qoyaan badan sida qof biyo cabay waxaa moodaa qanjirada afka iney soo daynaayaan waxaa dareemaa qabow aan saa'idna ahayn.
Su'aalaheega haday badanyahey ama isku qasanyiin aa Ku wareertaan fadlan ii dulqaata dadka ma ihi wax qoro ama Ku sheekeeyo qoraalka.
Title: Re: Su'aal: Kaadi badan ayaan isku arkaa xilliga soonka?
Post by: SomaliDoc on December 30, 2018, 11:51:10 PM
Dadka qaar markay sooman yihiin waxaa kilyaha ku yaraado awoodda inay biyaha dib u soo nuugaan, waa arrin lagu ogaaday cilmibaaris ahaan marka hala yaabin inay kaadidaadu badato markaad gaajaysan tahay ama sooman tahay, halkaan ayaadne ka arki kartaa cilmibaaristaas iyadoo faahfaahsan: https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/11181414 (https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/11181414)