Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on February 01, 2016, 06:10:21 PM

Title: Xanuunkii Qofka U Ekaysiinayay Geedka
Post by: SomaliDoc on February 01, 2016, 06:10:21 PM
(http://somalidoc.com/Topics/geedowga.png)

Xanuunkaan waa mid aad dhif u ah, wxaanan mgaciisa cilmiyeed la dhahaa "Epidermodysplasia Verruciformis" Magaca badanaa loo yaqaanane waxaa la dhahaa "Tree Man Illness" taasoo oo ah macnaheeda xanuunkii qofka geedka u ekaysiinaayay ama ka dhigaayay.

Waa xanuun maqaarka ku dhaco ee la dhaxlo, wuxuu kaloo xiriir la leeyahay kansarka maqaarka, wuxuu qofka si sahlan ugu dhici karo feyraska loo yaqaano "Human Papillomaviruses" kaas oo si xad dhaaf ah ugu tarmo qofka, khaas ahaan gacmaha iyo lugaha.
Feyraskaan dadka caadiga wuu ku dhacaa boqolkiiba 80% laakiin wax saamayn ah kuma reebo oo qofka jirkiisa wuu iska difaaci karaa, laakiin qofka cilaldaan hidde socodka ku dhasho, hadduu feyraskaas ku dhaco sida sawirka ka muuqdo ayay gacmihiisa iyo lugahiisa noqdaan.

Wuxuu xanuunka bilawdaa markuu qofka dhasho illaa uu ka gaarayo 20 sano.
Xanuunka marka ugu horrayso faraha wuu adkeeyaa, kadibna qolfo ayuu u yeelaa, kadibna gacanta oo idil ayaa isbadalayso oo waxay u ekaanaysaa geed baxayo oo kale.

Ma jirto wax daawo oo loogu tala galay xanuunkaan, laakii daawooyin la isleeyahay in ay wax ka taraan ayaa jira oo la siiyaa qofka, inuu ku fiicnaadane awy dhici kartaa oo feyraska dhinto.
Xaalada markay heerkaan gaarto qalliin ayaa lagu sameeyaa marka hore, kadib ayaa daawada la siiyaa qofka.

Maadaama uu xanuunkaan dunida ku yar yahay, dadka uu ku dhaco waa dad tirsan oo ma badna, laakiin yarka sawirka ka muuqdo ayaa waxaa hadal hayntiisa la wadaa maalmahaan, laakiin waxaa ka horeeyay nin u dhashay dalka Romania oo sidaan oo kale warbaahinta qabsaday sanadkii 2007 iyo nin kale oo Indonesian ah.

Dadka caafimaadka qabo oo aanan iin dhaxal ah qabin, wuxuu feyraskaan ku ridaa xanuunka loo yaqaano Honqorta ama Roqorta, Ka akhriso halkaan qoraal aan uga hadalnay:

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.htmlhttp://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.htmlhttp://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)