Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on February 06, 2018, 09:54:41 PM

Title: Waxyaabaka Keeno Uur La'aanta Dilanka Ka Dib.
Post by: SomaliDoc on February 06, 2018, 09:54:41 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhalmodilan.png)

Bismillah,

Waxaan casharkaan maanta kaga hadli doonnaa dhalmo la'aanta ay haweenku qaar isku arkaan markay dilmaan.

Inkastoo dilanku ama dhicintu aysan si toos ah u keenin madhalysnimo laakiin waxaa dhacda in haween badan ay dhali kari waayaan markay dilmaan, taasoo dhakhaatiirtu ay ku sheegaan arrimo kala duwan.

Hooyada oo uur qaadi wayso dilan / dhicin ama uur kadib, waxaa loo yaqaanaa 'Madhalaysnimada Labaad'.

Waxyaabaha ugu badan ee keeno arrintaan waxaa ka mid ah:

Waxay kaloo haweenka qaarkood isku arkaan dilan xiriir ah ama soo noqnoqdo, waxaad link-gaan hoose ka akhrisataa xanuunada keeno in hooyadu ay si joogto ah u dilanto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0)

Sidee loo xallin karaa madhalaysnimada labaad?
Haddii baaritaanno iyo wiisito kadib, la fahmi waayo sababta ka dambayso inay hooyada uur qaadi wayso ama daawooyinka lagu caawiyay ay wax ka tari wayso, waxaa lagu samayn karaa gacan-ku-rimin ama banaan-ku-rimin oo ah in shahwada ninkeeda iyo ugxanteeda lagu bacrimiyo banaanka, kadibne uurkii lagu beero minkeeda / raximkeeda.

Midda kale waa muhiim, haddii ay hooyadu ka cabanayso uur la'aan dilan kadib inay la xiriirto dhakhtar ku takhassusay cudurrada haweenka oo aysan u dhakhaatiir kale.

Intii awlaad la'aan hayso, Alle ha siiyo awlaad baariyaal ah. mahadsanidiin.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)