Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Durdur on May 15, 2011, 02:20:22 PM

Title: Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?
Post by: Durdur on May 15, 2011, 02:20:22 PM
Asc walaal salaan badigeed
1- waxaa la ii sheegay in dhiigeygu birta ku badan tahay oo ay aad u sareyso maxey keeni keeni kartaa ?   2- waxaa kaloo dareemaa in wareega dhiiga yar yahay waayo gacmaha iyo cagaha ayaa aad uga qaboobaa aalaaba iyadana maxaa xal u ah?
3- markuu qofku sameeyo orod kadibna ay timaado qufac xagga dhuunta ah oo riiraxyo ah muxuu ahaa karaa?
Title: Re: Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2011, 08:49:53 PM
Qaabkee laguugu sheegay in birtu kugu badantahay, sideena laguu baaray?

Maxaa yeelay waxaa jira cudur loo yaqaanno "Hemochromatosis" oo birtu markay jirku ku badato dhaco, waana cudur dhaxal sidaa darteed waa in la hubsadaa in waxa aad ka cabanayso uu yahay cudurkaan iyo in kalaba.

Soomaalida qaar ayaa haddii cabirka HB-ga uu sarreeyo waxay yiraahdaan birta ayaa igu badan ee ma sidaa ayaa ula jeedaa?

Midda kale gacmaha iyo cagaha oo qaboobo ma ahan in ay tahay macnaheedu in wareegga dhiigga uu yaryahay kaliya oo waxyaalo kale ayaa keeni kara oo u baahan in aad takhtar kala xiriirtid, weliba haddii cudurka aan kor ku xusay aad qabto wuu keenaa in aad dareento sidaan.

Waxa loo yaqaanno qufaca orodada "Runner's Cough" waa wax ay keeni karto dhowr waxyaalood oo ay ka mid tahay haddii aad isku aragto qufac xiriir ah markii aad oroddo ama aad jimicstaba:
1- waxay ka dhalan kartaa oonka iyo haraadka taasoo calaamad u ah fuuq-bax
2- Waxa ka dhalan kartaa in aad neefsatay waxyaabaha keeno xajiinta oo ku badan banaannada taasoo allergi kugu kicisay.
3- Waxay noqon kartaa waxa loo yaqaanno "Exercise Induced Asthma" oo macnaheedu yahay Xiiqda/Neefta Jmicsiga keeno.

Haddii aad isku aragto qufacaan, xoogaa yar dhaso, biyo badan cab, qubeys diiran sameey, haddii uu qufaca sii socdo ama aad dareento neefsashada oo ku dhibayso ama xiiq aad ka dareento la xiriir takhtar waxaa laga yaabaa in neef ay kugu kacday.