Somali Medical Forums

Health Related Forums => Medical Stories and Jokes => Topic started by: Pharmacist on December 05, 2007, 12:25:58 AM

Title: Dhaqtar Ku Sheeg Jarmal Ah
Post by: Pharmacist on December 05, 2007, 12:25:58 AM
Waxan u haysan jiray in mushkiladaan anaga kaliya nahaysato oo ah dhakhaatiirta been abuurka ah oo wadankeena ka dhax shaqaysata.
Usbuucaan gudahiisa ayaa la qabtay naag u dhalatay dalka jarmalka oo dhakhtarnimo uga shaqeysanaysay isbitaal caan ah oo ku yaala wadankaas muddo 4 sano iyo bar ah.

Carolina oo 33 jir ah waxay iskuul caafimaad soo dhigatay ilaa sanadka afaraad, kadibne laga ceyriyey markii 3 jeer ay ku dhacday.

kadib sanadkii 2000 ayey shahaado ay laheed gabar saaxiibteeda ah ay badashay, oo ku shaqo tagtay, isbitaalkan ayey mudadaan dheer uga shaqeyneysay dhaqtarad ku taqasustay ilmaha khaas ahaan kuwa qaba cudurka AIDS-ka.

Carolina waxay aheed qof aad u firfircoon oo isbitaalka laga jeclaaday, dhakhaatirta isbitaalka ka shaqeysane ay u arkayeen qof aqoon leh, shaqadeedane ka adag, markii la wareestay maareeyaha isbitaalkane wuxuu yiri: waa dhakhtarka ugu fiican ee isbitaalka noo jooga, sanadkii horane waxa ay ku guuleysatay bilad sharaf.

Carolina waxaa la fahmay markii laga dalbaday usbuucaan gudahiisa in ay keento shahaadadii asalka aheed, kadibne ku fashilantay halkaa, hadane waxaa socdo baaritaan lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen, waxaana laga yaabaa in carolina xabsi la dhigo.

Real Pharmacist
Title: Re: Dhaqtar Ku Sheeg Jarmal Ah
Post by: Waxbaro! on December 06, 2007, 09:50:11 PM
Waxaan la yaabay markii sheekada ay ku soo gabagabowday in islaanta xabsi la dhigi doono, iyadoo bukaan si qaldan ay u daaweysay uusan jirin, shaqadeedane sifiican u qabatay sida aad sheegtayba, laakiin tani waxay cashir u tahay qof walba oo damco inuu si qaldan ku shaqeesto, sida wadankeenaba ka jirto!!!.
Hadii qofkii sidan loo faaniyay oo bilad sharaf la siiyay xabsi la dhigayo, qofkii bukaanada laayay bal ka warama.

Waxbaro!
Title: Re: Dhaqtar Ku Sheeg Jarmal Ah
Post by: Doctoor on December 09, 2007, 10:59:12 PM
waa sheeko aad iyo aad u yaa badan, laakiin waxaan ka xumahay gabadhaas wax fiican u qabatay isbitaalkaas iyo bukaanadii jiifay sida loogu abaal guday, waxaa loo baahnaa in la siiyo shahaado u dhiganta shaqada ay qabatay ama la siiyo shahaado dhakhtarnimo maadaama ay dhigatay jaamacadda 4 sano ayna ka shaqaysay isbitaalka 4 sano iyo bar oo ugu filan practice caafimaad. waxaan dhakhtaradda ugu hambalyaynayaa sida ay waxbarashadeeda caafimaad u sii wadatay in kastoo ay jaamacadda ka hor istaagtay.

Doctoor
Title: Re: Dhaqtar Ku Sheeg Jarmal Ah
Post by: Dr.Noora on December 10, 2007, 10:30:30 PM
Sorry for her , cashaan mar waa ila xumaatay waxa kudhacay iyo nasiib daradeeda marna khaladkee gashay ma sahlana coz haduu Ilaaheey asturay mudada ee daawaneesay dadkaas jiran waa naxariis Ilaaheey bes waa jeclaan lahaa in la cafiyo loona ogolaado inee dhameesatio medicalka laakin makasaayo gabadhaheena anaga waa niyad jilacsanahay so God with her,