Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jiidhe on May 29, 2015, 09:34:54 AM

Title: Su'aal: Fixisada Qooshka ama Cake-ga lagu daro saamayn caafimaad ma leedahay?
Post by: Jiidhe on May 29, 2015, 09:34:54 AM
ASC Dr,
Fixisada an jeeda waa ta marka daqiiqda la qoosho ama la xasho lagu daro si ay hore u faxdo.
Title: Re: Su'aal: Fixisada Qooshka ama Cake-ga lagu daro saamayn caafimaad ma leedahay?
Post by: SomaliDoc on June 05, 2015, 06:18:57 PM
Fixisada ama khamiirisada sida dadka qaar u yaqaanaan, wax dhibaato ah oo ay caafimaadka u keento ma jirto.
Khamiirisada waxaa ku jiro maaddo loo yaqaanno "Beta 1 3 Glucans " oo difaaca jirka sare u qaaddo sida ay cilmibaarayaasha ay sheegaan, Asal ahaan fixisada waa dulkunoole ka mid ah noocyada fangaska, dhibaato caafimaadne ma keeno.
In jirka la mariyo ama ilkaha lagu cadaysto waa arrin ay dadka qaar sameeyaan, wax dhib ahne ma keento.
Way jiraan dadka qaar xasaasiyad ku qabo oo ku xanuunsado markii ay cunaan.