Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ceeblaawe on June 25, 2015, 12:09:49 PM

Title: Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?
Post by: Ceeblaawe on June 25, 2015, 12:09:49 PM
Asc,

Salaan kadib walaal waxaan idin weydiinayaa hadii uu doctorka uu gabadha ka celiyo Uurka ilaa waqti, maxaa lasameen karaa si talada docktorka loo qaato? Qalab ama daawo?

Mahadsanidiin

Title: Re: Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?
Post by: SomaliDoc on June 28, 2015, 11:26:21 AM
(http://somalidoc.com/Topics/kahortag.png)


Asbaabaha caafimaad ee uurka looga hortago:
Takhtarka wuxuu uurka kula talin karaa hooyooyinka qaar asbaabahaan soo socdo mid ka mid ah:

Midda ugu badan waa haweenka lagu qalo ilmaha oo takhtarka ugu yaraan kula taliyo in hooyada ay dhasato muddo labo sano hadii ay tahay haweenka aan sida caadiga u dhali karin oo in joogto loo qalo ay tahay, halkaan ka akhriso qalliinka uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1103.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1103.0.html)

Sidaa awgeed waxaa habboon in takhtarkaaga aad ka waraysatid hababka ugu fiican ee aad uurka uga hortagi karto iyadoo ku xiran, da'daada, xanuunka ama dhibatada uurka looga hortagayo iyo inta ay sano ee uurka laga hortagayo iyo waxyaalo kale oo la xiriiro intaba.

Siyaabaha uurka looga hortago:
Takhtarka wuxuu kuu soo bandhigi doonaa mid ka mid ah dhowr talo:

Talada 1-aad: In aad isticmaashaan cinjirka galmada "Condom" tan oo ka hortagayso in shahwadiinna ay is gaarto, saasne ay dhici karto in aad uur ku qaaddo.
Cinjirka galmada wuxuu kaloo kaa ilaalin karaa hadduu jiro xanuun galmada lagu kala qaado, halkaan ka akhriso xanuunada galmada lagu kala qaado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html)
Helidda cinjirka galmada uma baahna in uu takhtar kuu qoro, wuxuuna u kala baxaa nooca ragga iyo nooca dumarka ay xirtaan.

Talada 2-aad: Isticmaalka daawooyinka uurka looga hortago sida kaniiniga, cirbadda ama sharootada la isku dhajiyo, si aad u isticmaasho hababkaan waa in aad takhtarka warqad kuu qoro, kuuna sheego sida aad u isticmaali doontid.

Talada 3-aad: Isticmaalka daawooyinka lagu dilo unugyada shahwada (xawada), kuwaan oo noqon karo kareemyo ama sunboosto / sumboosto ay isticmaali doonto haweenta iyadoo hoosta marsato ama galiso si shahwada waxtarka looga qaado, tan waxtarkeeda way ka yar tahay kuwa kale oo waxaa dhici karto in aad saas uur ku qaaddo inkastoo aad farmashiyada ka soo gadan kartid warqad takhtar la'aan.

Talada 4- aad: Waa xirashada qalab la geliyo jirka, waxaa ka mid ah qalab loo yaqaanno farraatiga oo leh hormoonno ka hortaga uurka oohaweenka hoosta gashaan iyo qalabka la geliyo minka si uurka looga hortago, tan waa inuu takhtar kuu sameeyo, waxaana loo istimaalaa kaliya haweenka horay ilmaha u soo dhalay, waxaana u sii badan haweenka la rabo in sanooyin ay uurka ka hortagaan, qalabkaan wuxuu leeyahay noocyo kala duwan, waxaana kuu sharxi doono takhtarkaaga.

Talada 5-aad: Waa in tubooyinka lagaa xiro tan oo ah macnaheeda in aadan dib dambe uur u qaadin inta aad nooshahay, waa nuuc ka mid ah qalliinka waana in isbitaal lagu sameeyaa, habkaan way yar tahay in takhtarkaaga kugu la taliyo oo badanaa haweenta iyadaa doorato in uurka ay si joogto ah uga hortagto.

Waxyeellada ama Dhibaatooyinka
Kaniiniyada, Cirbaha, Sharootada iyo Daawada maqaarka la gashto intaba waxay ka samaysan yihiin hormoonno u qaabilsan ka hortagga uurka, waxyaabaha aad dareemi doonto waxaa ugu caansan:

Fadlan haddii aad isku aragtid mid ka mid tahay dhibaatooyinkaan kor ku xusan la xiriir takhtarkaaga sida ugu dhakhsiyaha badan si uu talo kaaga siiyo daawada.

Talo ku aadan dadka doonaya in ay kala fogeeyaan caruurtooda:
Haddii aad doonaysaan in aad uurka kala fogeysaan oo aadan rabin in aad isticmaashaan talooyinkaan ku ku xusan waxaad sameyn kartaan tillaabooyinkaan dabiiciga mid ka mid ah:
1- In ay hooyada ku dadaasho nuujinta caruurta iyadoo aanan waqtiyo go'an u yeeli xilliga naasnuujinta.
2- In aad iska ilaalisaan galmada xilliyada ay fursadda uur qaadista ay jirto, halkaan ka akhri si aad u ogaatid maalmahaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5839.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5839.0.html)
3- In aad samaysaan galmo biyo-bax aan la'aan ah, haddii ay jirto cillad biyo-bax dedegga ah, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0)

Haddii aad qabtaan su'aalo caafimaad oo aad xiiseynaysaan in aan idinkaga jawaabno, ku soo qora halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)