Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: A/qadir Abdi on April 13, 2018, 06:02:35 AM

Title: Su'aal: Indhahaygu waxay yeesheen wareeg cad?
Post by: A/qadir Abdi on April 13, 2018, 06:02:35 AM
Asc Drs wiil aan sxp nahay wuxuu ii sheegay in uu muddo 5 sano ah siigaysanayay isla markaana marka uu siigaysanayo uu daawan jiray Pornography. Markaa Dr. wuxu isku arkay caad wareeg ah lkn aan indhaha oo dhan ku wareegsanayne labada in dhood qaybta hoose wareeg cad ku sameeyay. Waxaanan web kenan ka akhriyay in waxyabaha ay keento siigaysigu ay ka mid tahay caad indhaha fuula. markaa Dr muxuu xalku noqonaya ma jiraa wax daawo ah oo wax lagaga qaban karo in sha  ALLAH
Title: Re: Su'aal: Indhahaygu waxay yeesheen wareeg cad?
Post by: SomaliDoc on December 19, 2018, 08:24:23 PM
Caadka indhaha fuulo ma ahan midka saaxiibkaa uu ka cabanayo, halkaan ka akhriso waxa laga wado caadka indhaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1149.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1149.0)

Laakiin goobaabin ama wareeg cad oo isha ka soo muuqday waxay astaan u tahay dadka qabo kolestaroolka ama dhaxalka ku yahay, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Arcus senilis" ee qofkaasi isbitaal ha tago hana iska baaro kolestaroolka.