Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dalwanaaje on December 02, 2016, 02:40:38 PM

Title: Su'aal: Diktoore Aroos cusub ban ahay?
Post by: Dalwanaaje on December 02, 2016, 02:40:38 PM
Asc.
Diktoore Aroos cusub ban ahay. Xaaskayga markii aan is idhi u galmood Waxay dareemaysaa xanuun badan iyo pressure ay ka dareemayso xubinka taranka, markii an salaaxay, wakhti ku filan ee an isku dayo xanuunkii way dareemaysaa markaa ma bikronimadaa mise cillad kale ayaa jirta talaw. Dareenkii way leedahay oo baahidii way dareemaysaa lakin markan geedka is dhaho geli ayey xammili waayeysaaba, waxa kale oo jirta madax xanuunkii ay doraad dareentay ayaan ilaa iminka qaboobin oo marqudha aanay ka nefisayn. Taladaada ayan u baahanahay oo aad mooddo inay ka waxtar badantahay tan businesska ah ee kiniinka kugu raraysa.
Title: Re: Su'aal: Diktoore Aroos cusub ban ahay?
Post by: SomaliDoc on December 28, 2016, 07:59:19 PM
Haweenta oo dhibsato galmada waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Dyspareunia", waxaa keeni kara cillad caafimaad ama mid nafsaani, xanuunka wuxuu ka imaan karaa mid cawrada agagaarkeeda u dhaw ama mid gudaha jira dhinaca minka ama miskaha.

Si loo ogaado cilladaan waxa keenay waa in warbixin dheeraad ah laga helo meesha ay xanuunka ka dareemayso, qaabka ay u dareemayso iyo muddada uu xanuunka haynayo.

Dhibaatooyinka ugu badan ee keena xanuunka ay haweenta dareento xilliga galmada waxaa ugu horeeyo arrimahaan:

Hadduu xanuunka joogto noqdo waxaan kugula talin lahaa in aad dhakhtarad haweenka ah la xiriirisid si loo wiisiteeyo loogana shakki baxo haddii ay jirto cillad u baahan daawo ama xal kale.

Qoraal xiriir la leh: Hammi Yarida Haweenka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3818.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3818.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)