Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on February 01, 2019, 09:54:51 PM

Title: Dhibaatada Caafimaad ee Cunnada Qashinka!
Post by: SomaliDoc on February 01, 2019, 09:54:51 PM
(http://somalidoc.com/Topics/junk.png)

Bismillah,

Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay arrin muhiim u ah caafimaadka caruurta, waalidkuna aysan aqoon badan u lahayn taasoo ah dhibaatada caafimaad ee caruurtu ka dhaxlaan cunnada qashinka ee loo yaqaano "Junk Food".

Cuntadaan waxaa kaloo loo yaqaanaa "Fast food", waa cunno reer galbeedka ka timid laakiin si xawli ah dunida ugu faaftay meel kastane laga isticmaalo, waxay khubarada caafimaadka isku waafaqsan yihiin in cunandaan aysan lahayn nafaqo caafimaad maadaama borotiinka, fitamiinada iyo macaadinta kalaba ay aad ugu yar yihiin amaba aysan ku jirinba, waxaa intaa ka sii daran inay tahay cunno aan isu-dheelli-tirnayn.

Sidoo kale waxaa cunnooyinkaan laga dhaxlaa cillado aad u badan weliba u daran korriimada jirka iyo maskaxda caruurta, waxyaabahaas la xaqiijiyay waxaa ka mid ah:


Cunnooyinkaan aan ka hadalnay maxaa ka mid ah:
Waxaa ka mid ah cunnooyinka la soo warshadeeyay, ama la soo baceeyay, laguna badiyay sokorta iyo saliidda sida beergarka, pizza-ha, ketchup-ka, mayoneeska, chips-ka, cabitaanada aashsitada leh, macmacaanka la midabeeyay IWM.

Cunnooyinkaan oo idil sidee la isaga dayn karaa?
Qoysaska qaar way ku adag tahay inay ka fogaadaan cunnooyinkaan haddii ay horay ula qabsadeen sababtoo ah diyaarinteeda wax juhdi uma baahno, caruurtane in lagu qasbo uma baahna iyagaa isku daldalayo, sidaa darteed waalidka way u fudud dahay inay guriga soo dhigtaan cunnooyinkaan, laakiin waalidkii go'aan adag wuu sixi karaa jadwalka cuntada gurigiisa, waxyaabo badan oo lagu badashane way buuxaan, dadka qaar ayaa ku dhahayo baasto iyo canjeero maan siinayaa? Haa, waad siinaysaa sababtoo ah iyadaa 100%-kiiba ka fiican cunnooyinkaan qashinka ah, laakiin fadlan caruurta kula dadaal caanaha, kalluunka, khudaarta, furutada iyo cunnoyinka kale ee dabiiciga ah.

Haddii mararka qaar caruurta siiyo dhib may leedahay?
Qoraalkaan wuxuu ku socdaa qoysaska cunnooyinkaan caruurtooda joogtada u siiyo, laakiin in hal mar usbuucii aad siiso sida markaad meel gayso oo kale ama markay munaasabad jirto dhib ma lahan sababtoo ah caruurta iyo cunnooyinkaan aragti ayaa ka dhaxayso waana wax ay shirkadaha ugu talagaleen, laakiin fadlan cunnooyinkaan gurigaaga joogto ha u keenin, cunnane ha uga dhigin caruurtaada.

Wixii su'aalo dheeraad ah dhakhtarka ugu hagaaji boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)