Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Oskaman on August 23, 2016, 08:49:08 AM
-
Asc Somalidoc. Waxan rabaa inaa isticmaalo subagga idaha. Lkn dad aya igu dhaheen qatar buu leeyahay hadi aad beerka ka jirantahay ama beerka iska soo baar intaadan cunin subagga idaha. Marka maxa dhibaato ayuu subagga idaha beerka uleeyahay. Waad mahadsantihiin.
-
Subaga idaha waxa saamayn ah kuma lahan beerka bini'aadanka caafimaadka qabo, haddii ay jirto cillad saameysay howsha beerka ama cillad dhinaca xameetida ah oo dhakhtarku kaa mamnuucay subaga idaha, waad ka fogaan kartaa laakiin qofka caadiga ah wuu isticmaali karaa.
Akhriso qoraal aan ku faahfaahinay subaga Idaha iyo faa'idooyinkiisa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0)