Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Jamaaluddiin on April 03, 2016, 10:41:02 PM

Title: Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawada oo aan sidii loogu talo galey loo qaadan
Post by: Jamaaluddiin on April 03, 2016, 10:41:02 PM
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawooyinka oo sidii loogu talogaley aan loo qaadan gaar ahaan Antibioticska:

Antibioticska oo la qaato waqti dheer ama si saxsaneyn loo qaato

1-waxay keeneysaa in jeermisku uu la qabsado daawada oon waxba ka tarin ama saameynta ay ku leedahay ay yaraato isagoona isaga caabiyo qaabab kala duwan

2-Waxay dishaa noocyo bacteriyada ka mid ah oo jirka faaiido u leh kuwaa oo lagu magacaabo normal flora. Faaidadooduna waxaa ka mid ah
*waxay ka qeybqaataan difaaca jirka iyagoo ka shaqeysiiyo inyar oo antibodies ah kuwaasoo la dagaalama bacteriyada kale ee cudurada keena
*waxay sameeyaan vitaminada B iyo K mindhicirada gudahooda ayey ku sameeyaan vitaminadaasi oo jirka faaiido weyn u leh
*waxay la dagaalamaan bacteriyada kale ee cudurada keena iyagoo soo daaya waxyaabo dila ama tarankooda joojiya sidoo kale waxay ku ciriiriyaan meelihii ay jirka ka degi lahaayeen ama waxay ku noolaan lahaayeen

3-waxay keentaa caabuqa cabeebka candida kaasoo keena cuduro farabadan oo ku dhaca afka canbarka (farjiga dumarka) maqaarka iyo cijiyaha una sii gudbi kara dhiiga dhaawacyo hoosena u geysta jirka qeybihiisa kala duwan gaar ahaan: kilida isha wadnaha iyo saxaha dhabarka caabuqyo kala duwanna keena  sida caabuqa kaadi mareenka iyo caabuqa dhegaha

Qaabkee loo raacaa wadada saxda ah ee isticmaalka antibioticska:

-in laga fogaado isticmaalkooda iyagoon loo baahneyn

-in laga qaato abtibiotska xaddi dhameystiran oo haboon

-in laga fogaado isticmaalkooda waqti dheer waa hadaanu daruuri aheyn

-in la qaato antibiotska ku kooban dilista jeermisyo kooban marwalboo ay suuragal tahay

-in loo qaato qaabka uu kuugu sheego dhakhtarka