Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on September 12, 2017, 07:57:44 PM

Title: Caabuqa Caloosha Ee Aaan Lagu Baraarugsanayn.
Post by: SomaliDoc on September 12, 2017, 07:57:44 PM
(http://somalidoc.com/Topics/amiiba.png)

Bismillah,

Waxaan casharkaan kaga hadlaynaa cillad hordhaceedu aan idiin kugu soo bandhignay sadax maalin ka hor boggeena Facebook, taasoo u qornayd sidatan:

"Waxaan dareemaa calool xanuun, lalabo sidii qof saliid cabay oo kale khaasatan markay cunno ii soo carafto ama arko, waxaan kaloo leeyahay wadne garaac, af-qallayl, caajis qoorta iyo labada garbood inta u dhaxaysa, daal markaan howl yar qabto, waxaan kaloo dareemaa dibbiryo iyo in saxaro i hayso oo kale laakiin waxaa iga yimaado hawo iyo shuban yar oo ur iyo wasakh leh, mararka qaarne dhabarka ayaa la iga qabtaa, fadhiga badanne wuu i dhibaa, bowdyadane waan ka dareemaa kabuubyo. waxaan u maleeyn jiray inuu gaas i hayo ama infekshan kaadida ah, daawooyinkoodane illaa iyo hadda waxba isagama garan. dhakhtarow muxuu noqon karaa xanuunkaan, talo ayaan u baahanahay?!"

Cabashada nuucaan ah aad ayay ugu badan tahay bulshada, wayna adag tahay in lagu baraarugo maadaama lagu qaldi karo xanuuno kale oo badan, qofka xanuunsanne ay ku adkaan karto si uu uga warbixiyo maadaama meelo kala duwan oo jirka ah uu xanuun ka dareemayo.

Waa maxay xanuunkaan, maxaase keeno?
Waa caabuq raagay oo caloosha ku dhaco, waxaana badanaa keeno jeermiska loo yaqaano "Amoeba" ama "Entamoeba", waa jeermis aad u yar oo il-ma-aragto ah laakiin si khaldan ayay soomaalidu u aaminsan tahay inuu gooryaan yahay, waxayna dadka qaar ku magacaabaan "Ambeebe".

Xanuunkaan marka ugu horayso wuxuu qofka ka qaadaa cunno ama cabitaan wasakh ah, taabasho jir kale ama meel jeermiskaan gaaray, qofka saacado kadib wuxuu dareemaa shuban, matag iyo calool xanuun, kadib waxaa laga yaabaa in qofka uu ka raysto astaamahaas ama inuusanba wax wayn dareemin, laakiin xanuunkaan wuu ku raagaa dadka qaar wuxuuna qaataa bilooyin illaa sanooyin, waxyaabaha keeno inuu qofka ku raago waxaa ka mid ah:

Waa maxay astaamaha lagu garto xanuunkaan?
Markuu caabuqaan raago, in la garto way adkaataa maadaama u ekaan karo xanuuno kale oo qaarkood aan shaqo ku lahayn caloosha iyo mindhicirrada, sidaa darteed waxaa muhiim ah in qofka si dagan oo xeel dheer loo waraysto, waxaana badanaa lagu ogaan karaa waraysigaas iyadoo dib loo raacayo cabashada qofkaas si loo xasuusiyo markii ugu horaysay oo cilladaan billaabanaysay iyo in qofka daawo uu qaatay waqtigaas. marka astaamaaha kala duwan oo qofku dareemo waxaa ka mid ah:

Caabuqa "Amoeba" wuxuu saameyn ku yeelan karaa meelo mindhicirrada ka baxsan sida beerka oo malax gashto, taasoo xaalad halis ah noqon karto loona yaqaano "Amoebic Liver Abscess".

Sidee lagu ogaan karaa cudurkaan?
Baarista cudurkaan aad ayay u sahlan tahay, umana baahno qarash badan oo baaris lagu bixiyo sida kumbuyuutar IWM, waxaa la baarayaa saxarada kaliya iyadoo laga eegayo ugxanta jeermiskaan, wayna sahlan tahay in la arko hadduu qofka baarayo uu khibrad u leeyahay.

Maxaa keenay in cudurkaan la dhinac maro ama la garan waayo?

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Badanaa cilladaan markii la baaro waa la arkaa, sidaa darteed waa muhiim in qofka is baaro si loo hubiyo cudurka, waxaana dhakhtarku ku siin doonaa daawooyinka loogu talagalay oo aan kor ku soo xusay, waxaana badanaa la raaciyaa qallajiyayaal kale oo la isla yaqaano khaasatan mid ka mid ah kooxda loo yaqaano "quinolones" maadaama jeermiska bakteeriyada uu ka faa'idaysto caabuqaan oo badanaa qofka laga helo, xaaladaasoo loo yaqaano "Bacterial superinfection"

Qaab dabiici ah ma loola tacali karaa xanuunkaan?
Waxyaabaha dabiiciga ah ee jeermiskaan wax ka tari karo waxaa ka mid ah toonta, sanjabiilka iyo subaga idaha oo aan hadda ka hor qoraallo ku faahfaahinnay kuwaasoo aad ka sii geli kartid link-yadaan hoose:
Toonta iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0)
Subaga Idaha iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0)
Sanjabiilka iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0)

Haddii aad u baahan tahay warbixin intaa dhaafsiisan ama su'aalo kaaga soo baxeen casharkaan ama aad ka cabanayso cillad kale oo aad ku wareertay waxaad fariintaada iigu dhaafi kartaa boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)