Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on April 25, 2017, 12:11:42 AM

Title: SU'AAL: MUXUU YAHAY TALAALKA MALAARIYADA?
Post by: CilmiSabca on April 25, 2017, 12:11:42 AM
Salaan ka dib.
Waxaa muddooyinkaan la hadal hayaa talaal la sheegayo in lagu talaalayo cudurka Duumada ama Malaariyada. Haddaba, talaalkaan oo ay hay'adda WHO wado hawshiisa dhawaanna lagu tijaabin doono dhowr dal oo Afrikaan ah, ayaan doonayaa in aan wax badan ka fahamno.
Waxaana idinka codsanayaa in aad nala wadaagtaan; haddii aad war bixino ka haysaan habka uu u shaqeynayo talaalkaan (waxaa la sheegayaa in uu talaalkaani marayo 3 heer oo min bil ah iyo heer dambe oo 18 bilood ka dib ah) waana talaal cirbado ah.
Waxaan kale oo aan doonayaa in aan fahan guud ka helno waxa uu ka kooban yahay.
Mahadsanid.
Title: Re: SU'AAL: MUXUU YAHAY TALAALKA MALAARIYADA?
Post by: SomaliDoc on September 06, 2017, 09:20:25 PM
Tallaalkaan waxaan ka hadalnay laba sano ka hor markay hay'adda WHO ansixisay isagoo noqonayo tallaalkii ugu horeeyay ee looga hortago cudurka duumada oo la aqoonsado.

Tallaalka waxaa loo yaqaanaa "RTS,S", waxtarkiisu wuu kooban yahay waxaana lagu qiyaasaa inta u dhaxayso 26% illaa 50%, sidaa darteed hay'adda WHO kuma taliso in la siiyo qof walba khaasatan caruurta da'doodu u dhaxayso 6 illaa 12 usbuuc.

Qorshaha markii la ansaxinayay tallaalkaan wuxuu ahaa in sanadka soo socdo lagu tijaabin doono dalal badan oo afrika ku yaallo.

Tallaalkaan waxaa iska kaashaday hay'dda "MVI" iyo shirkadda daawooyinka samayso ee "GSK", wuxuuna socday muddo 3 sano inta aan la ansixin, inkastoo rajo wayn lagu dhisayay tallaalkaan laakiin dad badan ayaa ka niyad jabay natiijada hooseysa ee ka soo baxday, laakiin sidaa ay tahayne waa la ansixiyay iyadoo khubarada qaar ay ku nuuxnuusadeen inay fikrad ganacsi ka dambayso tallaalkaan iyadoo shirkadda "GSK" qof aan ahayn aysan suuq gayn karin.

Wixii ka soo kordho tijaabinta sanadka soo socdo "2018" waan idin la wadaagi doonnaa insha'allah.