Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on May 20, 2012, 02:26:18 AM
-
Asc dhamaantiin..... Sln ka dib. Doctor, Caabuqa afka hore ee vagine-ka gaar ahaan galmada gudaheeda ama inta ay socoto ay haweenku u dareemaan sida in nabar liin dhanaan lagu shubay oo kale, maxaa keena, muxuuse yahay? Tnx all.
-
Caabuqaas wuxuu noqon karaa mid feyras, fangas ama bakteeriyo labadaba gudaha cawrada waxay u sameeyaan nabro xanfaf wato, laakiin waxaa lagu kala soocaa, qoyaanka ay sameeyaan, hadduu qoyaanka uu yahay mid cad ama labeen oo kale ah waa fangas (cabeeb), haddii qoyaanka uu yahay mid jaallo ah oo ur wato waa bakteeriyo, hadduu qoyaanka uu caadi yahay oo uusan kala lahayn nabrane wato waxay u badan tahay (fayras) laakiin waa in qofka takhtar u tagaa oo la wiisiteeyo, baaritaano lagukala hubinayane loo diro.
Xanuunada qaar ee ka mid yihiin kuwa galmada lagu gudbiyo iyagane calaamdaaan way leeyihiin, marka labadaba qofba waa in la daaweeyaa.
-
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Somalidoc. Jawaabtaadu way anfacday qofkii rabtay calaamaha aad sheegtay ayay iska garatay. Waad mahadsan tahay mar kale Somalidoc.