DOODDA BISHA FEBRUARY, 2011 Salamu Alaikum Doodeennu bishaan waxa ay ku saabsan tahay waxqabadka hay'adaha qalaad ay ka hawlgala dalkeenna. Waxaa wadankeenna soomaaliya, puntland iyo somalilandba ka hawlgala hay'ado aad u tira badan oo ku dhawaad tiradooda lagu qiyaaso tiro kor u dhaafaysa 240 hay'adood oo caalami ah kuwaas oo ka fuliyo mashaariic kala duwan. Mashaariicdaas oo ay fuliyaan dad isugu jira ajaanib iyo shaqaale soomaaliyeedba waxay ka hawlgalaan gobol kasta iyo dagmo kastaba. Haddii aan tusaale ahaan soo qaadanno hay'adaha caafimaadka ka shaqeeya waxay u kala shaqeeyaan qaabkaan: 1- Kuwo si gaar ah u shaqeeya oo leh xarumo caafimaad u gooni ah. 2- Kuwo taakuleeyo xarumo caafimaad iyagoo la kaashto ururro soomaaliyeed ama isbitaallo. 3- Kuwo la shaqeeyo ama taakuleeyo wasaaradaha caafimaadka ee kala duwan. Waxay hay'adahaan ay isugu jiraan kuwo wadanka ku cusub iyo kuwo in muddo ah ka soo shaqeynayay, kuwo badanaa soomalidu ay taqaanno oo waxqabadkoodu muuqdo iyo kuwo in ay wadanka in ay ka shaqeeyaan iyo in kalaba uu shaki ka jiro. Baahida caafimaadka ka taagan dalka waxaa daboola badankeed hay'ado samafal kuwaas oo daawooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha ka shaqeeya isbitaallada bixiya. Hay'adahaas oo ku dhaqma xeerar iyo nidaamyo kala duwan ayaa waxa ay daboolaan kaliya baahida caafimaad ee degdegga ah kuwaas oo hawlahooda lagu soo koobi karo qeybahaan soo socda: 1- Xarumo / Isbitaallo lagu sameeyo qalliimada dagdagga iyo dhaawcyada dagaallada 2- Xarumo / Isbitaallo lagu daaweeyo hooyooyinka (uurreyda) iyo dhallaanka. 3- Xarumo / Isbitaallo lagu daaweeyo cudurrada caruurta iyo nafaqo-darrada. 4- Xarumo / Isbitaallo lagu daaweeyo bukaanno qabo cudurro gooni ah sida: qaaxada, aydhiska, dhimirka IWM 5- Xarumo / Isbitaallo lagu qaabilo bukaan socodka (inkastoo aysan badneen) Hay'adahaan qaabka ay u shaqeeyaan way kala duwanyihiin oo waxaa laga yaabaa hal hay'ad ay xarumahaan aan kor ku soo xusnay ay leedahay meesha hay'ad kale ay xarun gooni ah ay taakuleyso. Waxaa kaloo jiro hay'ado taakuleeyo dadka ku barakacay dalka gudihiisa kuwaas oo iyagane daryeel caafimaad bixiyo. Baahida ay daboolaan hay'adahaan ayaa ah kuwo dagdag ah kuwaas oo ay sheybaarradooda lagu baaro waxyaabaha fudfudud, daawada ay bixiyaanne ay tahay midda asaasiga ah. mashaariicda badankoodna ma nagaadaan oo dhowr sano ama dhowr bilood kadibba waa la xiraa haddii aan loo helin deeq lacageed oo lagu sii wado. Badanaa baahida aysan dabooli karin hay'adahaan waxaa loo raadsadaa dalka dibaddiisa maadaama wadanka ay ku yaryhiin takhaatiir takhasus u leh cudurrada aysan daboolin hay'adahaan samafalka ama aanan la heli karin qalabkii ku habboonaa daryeelka noocaan ah. Xarumaha ay ka hawlgalaan hay'adahaan ayaa lacag la'aan ah meesha qaar ka mid ahne lacag laga qaado bukaanka kuwaas oo hay'adda ay ogtahay ama aysan ogeyn. Hay'adaha qaar ayaa ka warqab joogto ah iyo raad-raac ku sameeya isbitaallada ama xarumaha ay ka shaqeeyaan meesha kuwa kalane waxqabadkooda iyo lacagaha loo qoondeeyay daboolista baahida jirta aanan isku dhigmin taas oo ka dhalatay ka warqab la'aan iyo musuq-maasuq oo dad gooni ah ay isaga takri falaan samafalka ay fidiso hay'adda. Sidaa awgeed waxaa doodaan u furnay in aad ka dhibataan ra'yigiinna su'aalahaan soo socda: 1- Sidee u aragtaa waxqabadka hay'adaha samafalka ee ka hawlgala dagmada ama gobolka aad joogto? 2- Qaabkee ayaa waxqabadka hay'adahaan lagu wanaajin karaa si looga fogaado musuq-maasuqa iyo ku takri-falka samafalka? 3- Ma jiraan jihooyin la xisaabtama hay'adahaan oo ka warqabo hawlaha ay ka fuliyaan wadanka oo raad-raac ku sameeya lacaga soo galay, mshaariicda lagu fuliyay iyo siyaabaha ay wajahaan baahida caafimaad ee ka jirta goobaha ay ka shaqeeyaan? 4- Maxay tahay dawrka ay ka ciyaari karto wasaaradda caafimaadka sidii hay'adaha ay uga warqabi laheed siyaasadda caafimaad ee wadanka ku maamulaan? 5- Ra'yigaaga 3-dee hay'adood ayaad is leedahay waa kuwa ugu waxqabadka muuqdo oo bulshada waxtarkoodu laga faaiday, maxaad talo ahne ayaad u jeedin laheed hay'adahaas? 6- Qaabkee ayaan filnaansho ku gaari karnaa si baahida qaarkeed aan u daboolno ama hawsha aan u sii wadnaa haddii ay hay'addu go'aan in wadanka ka baxdo, deeqdane ay joojiso ay gaarto sida meelaha qaar ka dhacdayba? 7- Hay'adaha samafalka soomaaliyeed maxaa u diiday in dowr muuqdo ay ka ciyaaraan daboolista baahida caafimaad ee wadanka ka jirta? | (http://www.somalidoc.com/Topics/list%2520of%2520logos%2520060110.gif) |