Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu khaalid on January 27, 2016, 05:39:18 PM

Title: Su'aal: Waxaa si saaid ah eega qaldan hormuunka?
Post by: Umu khaalid on January 27, 2016, 05:39:18 PM
Asc bahda somalidoc.com waanad ku mahadsantihiin shaqada aad bulshada u heysaan jazaakallhu kheyraa intaa kadib 2:Su'aal ayaan qabaa mida koobaad waxay tahy waxa si saaid ah eega qaldan hormuunka loo yaqaan potantion reaction lebel ama PRL inbadan ayaan daawo qaatay ilaa 7 bilood ah marka aad ayuu u sareeyaa wuxuu marayaa 1088 markii lamaago hala dajiyo oo daawo la ii qoro hoos ayuu u dhacayaa hadana markaan is cabiro wuu kacsan yahy marka wan ku wareeray hoos iyo kor wax kadhaxeeya maleh marka maxaa sababi kara in uu saas marna u kaco marna hoos u dhaco oo uusan qiyaastii larabay istaageen mida kale majirtaa in aan uur laqaadi karin hadii uu san saxneyn hormuunkaas xataa MRI waa la ega saaray maskaxda si loo ogaado in uu jeermis ku dhashay hormunkas lakin waa laga waayay wax cilad ah su'aasha labaad waxay thy waxaa ega socda qoyaan wax cad oo jiitamaya oo xarig camal ah oo cadba mar soo go'ayo ayaa ega socda dhacaan iyo kaadidaba waa la ega baaray hadana wax maqabtid ayay jawaabtu tahy wuxuna wax normal ah maaha xataa urtu mawacna marka maxaa u maleyneysaa dictoore oo igula talin laheyd mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Waxaa si saaid ah eega qaldan hormuunka?
Post by: SomaliDoc on February 06, 2016, 03:25:59 PM
(http://somalidoc.com/Topics/prolactin.png)

Prolactin-ku waa hormoon laga soo daayo qanjir maskaxda ku jira oo loo yaqaano "Pituitary gland" howshiisa ugu wayn waa korriinka naasaha xilliga uurka iyo caano soo saarista, howlo kalane jirka wuu u qabtaa.

Waa hormoon marne kaco, marne dago, waana sida ilaahay ugu tala galay meel laga rabo inuu markasta taagnaado ma jirto laakiin xad ayuu leeyahay oo aanan la rabin inuu dhaafo.

Waxyaabaha sida dabiiciga ah u kiciyo waxaa ka mid ah: hurdada, welwelka, uurka, naasaha ama xabadka oo la salaaxo iyo jugta qofka gaarto, sidaas awgeed markii la cabirayo waa in qofka isagoo gaajaysan la qaado, sida caadiga ahne waxaa laga rabaa inuusan ka badan 30 ng/ml, adiga ma aadan soo sheegin cabirka aad isticmaashay ma "ng/ml" mise cabbir kale, cabiradu way kala duwan yihiin.

Waxa ugu badan ee keena inuu hormoonkaas xad dhaaf noqdo oo xanuun isku badalo waa in nabar yar oo ka soo baxo qanjirkaas loona yaqaano "adenoma" kaasoo hormoonka si aad ah u soo daayo, waxaana nabarkaas loo yaqaanaa markuu hormoonka sidaa u kicinayo "Prolactinoma", waana muhiim qof kasta oo lagu arko cilladaan in lagu sameeyo baaritaan maskaxda ah "Pituitary MRI Scan".

Hormoonkaan markuu kacsan yahay, qofka wuxuu dareemi karaa, caadada oo khalkhal gasho ama yaraato markay imaanayso amaba istaagto, dhalmo la'aan, naasaha oo caano ka yimaadaan, sababtuna waxay tahay hormoonkaan wuxuu hoos u dhigaa hormoonada u qaabilsan uur qaadista.

Wuxuu kaloo qofka ka sheegtaa, hami yari galmo, indhaha oo qofka xanuuno, madax xanuun joogto ah. haddii intas oo calaamado ah aad qabtid waa qasab in MRI sax ah lagu saaro ama mar labaad lagugu celiyo haddii ay sax ahayd si qof kale report-kiisa loo fiiriyo.

Waxyaabaha kale ee ugu badan ee u keeni karo haweenka soomaalida waa hoos u dhaca qanjirka thyroid-ka oo haweenka soomaalida aad ugu badan, sidaa darteed markuu dhakhtarka kuu dirayo baaritaanka Prolactin, waa muhiim inuu kuu raaciyo baaritaanka hormoonnada thryoid-ka, ka akhriso halkaan qoraal aan horay ugu faahfaahiyay cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html)

Daawayntu waxay ku xiran tahay cillada markaas keentay, haddii nabar ka soo baxo qanjirka soo daayo hormoonkaan waa in qalliin lagu sameeyo, haddiise tahay khalkhal hormoonka ka dhashay waa in daawo lagu saxaa, dhakhtarka ku haboon ee aad arrimahaan kala xiriiri karto waa dhakhtar cudurrada haweenka takhassus u leh.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Waxaa si saaid ah eega qaldan hormuunka?
Post by: Umu khaalid on February 07, 2016, 05:24:55 AM
Aad baad u mahadsan tihiin somalidoc.com dictore adoo raaliya waxaanan fahmin oo is kaga key qasan labadan magac ee kala ah prolactin iyo potantion reaction lebel /PRL marka labadan hormuun ma kala duwan yihiin mase waa is kumid aniga midka aan ka cabanayo waxaa la iigu sheegay potantion reaction lebel/PRL inuu yahy calaamadahaas aa dheegtayna waxan ka arkay oo kaliya uur qaadis la'aanta MRI da la i saaray ma aqaan nuuceeda lakin waa la i saaray dhakhtaradeydu waxay igu tiri ama ay iigu sheegtay qiyaasta laga rabo hormoonkan inow noqdo 102-496 marka hadana wuxuu marayaa 1297 maalinba waa heer wuu kasiidarayaa cabirkey isticmaashay magaran karo lakin warqada waxaa ku qoran uIU/ml  waanan kadaalay sixidiisa maadaama aan in badan qaadanayay daawo hadana uusan sidii larabay noqon adoo raaliya dictore maxaa igu caawin laheyd thanks best
Title: Re: Su'aal: Waxaa si saaid ah eega qaldan hormuunka?
Post by: SomaliDoc on February 10, 2016, 03:41:26 PM
Umu khaalid, ma jiro hormoon la dhaho "potantion reaction lebel", waxa aad ka hadlayso waa "Prolactin" isagaana loo soo gaabiyaa "PRL", cabirka laga rabo ee aad tilmaantayne waa sax oo waa "Prolactin-ka"
Waxaan u malaynayaa in aad spelling-ka qaladay, waxa ugu soo dhawaan karo magaca aad soo qortay waa "Serum Prolactin Level".
Majiro waxa la dhaho "potantion reaction lebel"
Title: Re: Su'aal: Waxaa si saaid ah eega qaldan hormuunka?
Post by: Umu khaalid on February 10, 2016, 06:41:15 PM
Jazaakallhu kheyr wan fahmay jawaabta aad baad u mahadsan thy doctor laakin waxaan sugayaa qeybta danbe ee su aasha ah qoyaanka kasocda xibinta taranka waa wax cad oo jiitamaya oo cadba mar soo go ayo urna leh dhacaan waa la ega qaatay negative waaye wax maqabtid ayaa la I dhahay hadana wuxu wax caadiya maaha waa saaid thanks
Title: Re: Su'aal: Waxaa si saaid ah eega qaldan hormuunka?
Post by: SomaliDoc on February 15, 2016, 04:49:11 PM
Waxa cad ee jiitamayo wuxuu u badan yahay infekshan xaga hoose ah, kaasoo uu keeno jeermis fangas ah oo loo yaqaano "Candida", Akhriso qoraal ka hadlayo infekshankaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html)
Akhriso waxa haweenka u keeno infekshanka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html)

Fadlan akhriso qoraaladaas ee fiiri astaamaha kale ee la socdo xanuunkaan.
Title: Re: Su'aal: Waxaa si saaid ah eega qaldan hormuunka?
Post by: Umu khaalid on February 16, 2016, 01:46:37 AM
Mahadsanidiin somalidoc.com ajar badan ilaahey ha idinka siiyo caawimaadiina