Somali Medical Forums

Allied Health Professions => Pre-Dental and Dental => Topic started by: Drkheyre on May 01, 2011, 10:58:10 PM

Title: Ilko Xanuun (Toothache)
Post by: Drkheyre on May 01, 2011, 10:58:10 PM
Ilko Xanuun (Toothache)

HORDHAC
Ilko xanuunka waxa uu yimaadaa marka caabuq uu ku dhaco qebyta dhaxe ee ilkaha oo loo yaqaano "pulp". qeybtaan "pulp" waxa ay ka koobantahay dhamaadka neerfaha meeshaas oo aad iyo aad ugu xasaasi leh xanuunka. Ilkaha oo caabuqaan, xumaadaan, ama dhaawacmaan waa waxyaalaha ugu badan ee sababa ilka xanuun. sidoo kale kale xanuunka wuu dhici karaa hadii ilkaha la saaro mar mar waxaa dhici karta xanuunka asalkisa inuu ka yimaado meelo kale  kuna soo faafa daanga kaaso u muuqanaayo ilko xanuun. meelahaas waxaa ka mid ah kalagoyska loo yaqaano "temporomandibular joint or TMJ", dhag xanuun, iyo waliba dhibaato xaga wadanaha ah.

Calaamadaha Ilko Xanuunka
Daaweynta Ilko Xanuunka
Daawada ilko xanuunka waxaan ukala qaadeynaa labo waa mida koowaad oo ah daryeel shaqsiyadeed ee gurriga oo ah in aad isticmaashid daawaayinga xanuun loo isticmaalo sida paracetomol, sidoo kale waa in aad iska ilaalisaa cuntooyinga aad u kulul ama qabow maxaa yeelay waxay sii xumeen karaan xanuunka.
mida labaa oo ah in lagu xaliyo daawo waxay uu baahantahay in lala socdo xaaladaada sidaas owgeed dhaqtarkaaga booqo.

Fiiro Gaar ah: Nadaafi ilkahaaga 2 waqti maalinkasta gaar ahaan cuntada ka dib.