(http://www.safersex.co.za/images/molluscum-contagiosum-femal-face.jpg) | Waa maxay xabuubka maqaarku? Xabuubka maqaarku waa jirro uu keeno fayras. Waa maxay calaamadaha xabuubka maqaarku? Xabuubka maqaarku waxay u soo baxaan buurbuur yar oo maqaarka. Buurbuurkaasi waxay afka dhexe ku leeyihiin cadaan ama casuus yar. Qofku wuxu yeelan karaa dhawr xabo ama in badan. Buurbuurkaasi waxay ku fidaan jirka intiisa kale marka la xoqo ee mee kalena la taabto. Bilaa daawo, buurbuurkaasi waxay ku baaba’aan dhawr bilood, inkasta oo ay qaadan karto ilaa 2 sanno. Intee ayey gaarsiisan tahay ba’naanta xabuubka maqaarku? Xabuubka maqaarka waa la is-qaadsiiyaa, laakiin shido ma leh. Buurbuurku wax raad ah ma reebaan. Siduu qofku u qaadi karaa xabuubka maqaarka? Qof wuxu sida badan ka qaadaa xabuubka maqaarka toos goob jiran qof kale. Tuwaalka ma shay kale oo uu isticmaalay qofka jiran ayuu ku fidaa fayrasku. |