Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on August 06, 2011, 08:47:41 AM

Title: Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?
Post by: Nuur12 on August 06, 2011, 08:47:41 AM
waad salaamantihiin dhamaan dhaqaatiirta webkan iyo aqyaarta kaleba  bacda salaan waxaan qabaa 3 su. aal mida koowaad waa  ilmaha marka ay sameeyaan taah galgalasho labada ruug oo ay gadhka saaraan cabasho kale ma goor yaan baa haya mise xanuun kale  waxaad ka fahanteen calaamada haa ii soo gudbiya taa waa mid                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                     2    talabaad waa inta badan indhaha waxaa inaga gala siigo dhagxaan  saxaro intooda badana kama soo qabano ma meelbay ku biiraan mise isha gunteeday ku baaba'aan                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                              
3  aad waa mid aan ka cod sanayo dhaqaatiirta iyo asxaabtaba qofkii hayaba waa websit  sida kan u shaqaynaya oo ay leehaya culimada soomaaliyeed waa qofkii haya ii soo dir                                                                                                                                                                                                                                                                                                WAAD MAHADSAN TIHIIN
Title: Re: Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2011, 09:31:01 PM
Midda koowaad caruurta yaryar haddii xanuun caloosha qabto ama majiir ay dareemaan ha ahaado gooryaan ama wax kalaba way dhabacadsadaan oo xabad xabad ayay u jiifsadaan.
Laakiin sida aad tilmaantay oo ah in ay garka jilbaha la galaan lama dhihi karo waxay calaamad u tahay gooryaan ama calool xanuun laakiin caafimaad ahaan waxaa la yiraahdaa ilmaha saa u fadhiista in ay qabaan cudur wadnaha ah, qaabka ay u fadhiistaanne waxaa loo yaqaannaa "Squatting".
Calaamadaha uu leeyahay wadna xanuunkaan aya ka mid ah: daal, tabardarri, neeftuur, carabkooda iyo faruuryahooda oo midab blue u dhaw yeesho taasoo calaamad u ah in oksajinka uu ku yaraaday, ilmaha oo oksajiinka ku yaraado ama naqas qabto markii ay ciyaaraan, markii ay qaabka aan sheegnay u fadhiistaan way nafisaan.

Haddii aad caruurtaan aad uga shakisantahay calool xanuun iyo gooryaan sheybaar gey si looga baaro lana xiriiri takhtar.
Title: Re: Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?
Post by: Fatxifoos on August 09, 2011, 01:12:38 AM
Webabka culumadu way badan yihiin balse kan eeg Masjidshaafici.com oo link ga gudaha sii raac. Ama google search ku qor magaca culumada aad rabtid ka dibna raac taxanaha google search result. Thank You.
Title: Su'aal: saxarada indhaha?
Post by: Nuur12 on August 20, 2011, 10:14:44 AM
 waad salaaman tihiin maxay dhaqaatiirtu ka tidhi saxarada indhaha ku dhaca ma meel bay ku biiraan
ilaa inta badan kama soo qabano  good by
Title: Re: Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 11:05:57 AM
wasaqda indhaha ku bidda waxaa isha ka soo nadiifiya ilinta.
Howsha ilinta ayaa ah in indhaha ay ka ilaaliyaan wasaqda in ay ku dhagaan iyo in ay banaanka u soo saaraan.
Ma jirto wasaq indhaha ku harta amaba isaga jirto, waxyar ka dibba waa laga soo dhaqaa.
Title: Re: Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?
Post by: Ummu Hafsa Och Hanan on September 02, 2011, 03:09:33 PM
asc dhamaan dhaqaatiirta soomaaliyeed waan salaamayaa ilaahna abaal wayn ha idinka siiyo aqoonta aad noogu faa iideeseen insha alaah waxaana qabaa su aal .indhaha markay daciifaan oo si fiican aan wax ugu arkayn maxaan ku daaweyn karaa muraayada indhana aan ahayn wax kale oo cunto ma iga kaalmayn karaan sida kaaroodka
Title: Re: Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?
Post by: SomaliDoc on September 06, 2011, 09:46:03 AM
Cilmi baarayaasha waxay sheegeen in maadooyinka qaar ee nafaqada leh ay yareeyaan qatarta cudurka caadka indhaha fuula ee loo yaqaanno cataract. iyo in ay baaba'aan qeybta aragga indhaha.

Canaasiirta qaar oo khaaska sida fitamiin A wuxuu indhaha ka ilaaliyaa in ay aragga lumiyaan meesha fitamiin C uu ka hortago in gulukomada ay ka sii darto.

Dufanka loo yaqaanno Omega-3 isagane wuxuu indhaha ka illaaliyaa cudurka loo yaqaanno indho-qalleelka iyo wuxuu ka hortagaa in ay baaba'do qeybta aragga ee indhaha.

Maadooyinka faaidada u leh indhaha in cunnada laga helana waa sidatan:

1- Beta-carotene: karootada iyo bataati macaanka.

2- Bioflavonoids: shaaha, liin macaants

3- Omega-3: Kalluunka, Saliidda kalluunka iyo lowska.

4- Selenium: Cunnooyinka badda sida aargoosatada iyo bariiska borownka ah.

5- Vitamin A: karootada, beerka doorada ukunta, caanaha iyo subagga.

6- Vitamin C: Ananaaska, oronjada iyo liinta.

7- Vitamin D: caanaha iyo kalluunka salmon iyo sardines.

8- Vitamin E: saliidda geedka gabaldayaha.

9- Zinc: hilibka lo'da, hilibka turkiga iyo qubada.