Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Drkheyre on March 24, 2013, 08:27:09 PM

Title: DOODDA BISHA MARCH, 2013 - 24 APRIL - MAALINTA QAAXADA ADDUUNKA
Post by: Drkheyre on March 24, 2013, 08:27:09 PM
DOODDA BISHA MARCH, 2013 - 24 APRIL - MAALINTA QAAXADA ADDUUNKA

[CUDURKA QAAXADU DHIBAATO BALAARAN AYAY KA TAHAY SOOMAALIYA]

Sanad waliba waxaa caalamka u geeriyooda cudurka Qaadaxa kumanaan dad ah kuwaas oo qaarkood dawada u qaato sidii aanan loogu talagalin, hadaba Somali lagama warhaayo tirade saxda ah ee sanadkii u dimata cudurkaas iyo tirade qabta cudurka qaaxada iyo qaaxada u adkeysata dawooyinka badan.

inta aan ogahay koonfurta iyo bartamaha somaliya waxaa ku taalo 4 xarun oo lagu daweeyo cudurkaas kuwaas oo ah lacag la’aan ah.

Kuwaas oo kala ah:- 1. MSF Holland South Galgio. 2. MSF Spain Jowhar. 2. MANHAL TB Mogadishu. 4. SAACID TB  Mogadishu. 5. MERCY USA TB Mogaidshu

Hadaba ma muuqataa baahi ah In la hirgeliyo xarumo lagu daweeyo cudurka qaaxada dagmooyinga iyo gobolada dalka?

Hay'adaha samafalka soomaaliyeed maxaa u diiday in dowr muuqdo ay ka ciyaaraan daboolista baahida caafimaad ee Cudurka Qaaxada?

Maxay tahay dawrka ay ka ciyaari karto wasaaradda caafimaadka hirgelinta xarumo lagu daweeyo cudurka Qaadaxa?

Qaabkee ayaan filnaansho ku gaari karnaa si baahidaas caafimaad loo xaliyo?