Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hajisuge on January 30, 2015, 07:33:08 PM
-
Asc walalayaal xanuunkeyga hadii aan idin sheego xaniinta bidix ama qooraha mida bidix ayaan waxaan isku argaa markaan fariisto ama aan socdo wuxuu ka weynaadaa midka midig qaab ahaan wey isla egyihiin balse xidida sooo galo ayaa kaweyn marka aan taabto xididkaas wax kala xir xiran baan isku arkaa xanuun iguma hayaan ee maxey noqon karaan waxaas.
-
Xidido bararka xaniinta waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Varicocele", soomaalidane waxay u taqaannaa "Gale"
Fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3852.msg11456.html#msg11456 (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3852.msg11456.html#msg11456)
Halkaane ka akhriso jawaab hore oo ku saabsan xanuunka aad ka cabanayso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5440.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5440.0.html)
-
asc walal 2da xaniin wey isla egyihiin balse xididada qaado spermka iyo gaadadida ayaad moodaa in ay xogahaa ka yara weyn yihiin ee walal 2da xaniin wey isla ge yihiin
-
Walaal waa sax iyadoo isla eg ayey hadane ka dareemi kartaa mid ka mid ah in xididada ku jira ay kuuskuus leeyihiin ama kurtumo, waxayna u badan tahay xanuunka aan kor kuugu soo sheegay, mida kale xididka aad taabanayso oo kuuska leh ma qaado sperms ee waa kii dhiigga siday, kan sperms-ka qaado ma ahan wax gacan ku taaban karto sidaasne ma noqdo.
Fadlan la xiriir takhtar si laguu saaro baarista Ultrasound-ka iyadaa kuu kala cadayn doonto insha'llah.