Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: m.mo141 on October 27, 2015, 07:31:51 PM

Title: Su'aal: waxan ahay dadka dabada ka dhidida?
Post by: m.mo141 on October 27, 2015, 07:31:51 PM
wa salaman tihin

waxan ahay dadka dabada ka dhidida o markaan qaato surwal jemis ama colorkisa u muqdo waala iga arka waxaanba ka zuulay inaan

qaato surwaaladaas waxaan badana qaata surwaal madow ah

dhidid badan ma ahan wuxu ku sawirma o kaliya 2 da bari dhaxdooda ila hoos xiniyaha aktooda e maxa waye dhididkaas
Title: Re: Su'aal: waxan ahay dadka dabada ka dhidida?
Post by: SomaliDoc on November 04, 2015, 11:33:50 AM
Dadku way ku kala duwan yihiin dhididka badan, dad baa si xad dhaaf ah u dhidido weliba ka dhidido meelo ka mid ah jirka sida barida dhexdeeda, gacmaha, lugaha, sanka korkiisa ama meelo kalaba.

Dhididka xad dhaafka waxaa la dhahaa "hyperhidrosis", waxaad ka akhrisataa qoraal ku saabsan link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2320.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2320.0.html)