Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: AarDacar on November 16, 2015, 09:03:18 PM

Title: Su'aal: Shaaha Cagaaran Iyo Habka Ugu Wanaagsan Ee Loo Cabi Karo?
Post by: AarDacar on November 16, 2015, 09:03:18 PM
Dr. Waad ku mahadsantahay sida wanaagsan eed noogu faa'iidaysaan, waanan ka helay sida xeel dheeridda leh eed noogu sharaxday faa'iidadda shaaha cagaaran. Allena waxaan kaaga baryahayaa inuu kugu Abaal mariyo Janatul Fardowsal Aclaa.

Dr. waxaan ahay dhalinta rabta inay uuga faa'iidaystaan dhanka miisaan dhimista.

Dr. waxaan rabay inaad iiyara iftiimiso Su'aalahan hoos ku xusan:-
1. Imisa koob ayaan maalintii cabi karaa?
2. Xilyadee uugu haboon een cabi karaa ma cuntadda ka hor mise ka dib, hadii calooshu madhan tahay dhib ma ku keeni karaa siiba aroorta hore?
3. Nooca uugu wanaagsan ee shaaha cagaaran ee dalkeena la keeno. (Hada waxaan isticmaalaa Clear Green Tea LIPTON) Ma yahay mid wax tar leh? Liin dhanaan hadii aan ku daro faa'iidadii ma wax buu u dhimayaa?
4. Markaan sii seexanaayo ma cabi karaa?
5. Side effect ma leeyahay? yaasay tahay inuusan isticmaalin Shaahan?
6. Uugu danbayn Dr. Imisa KG ayaa ay tahay inuu qofku wiigi iska rido, caafimaad ahaan.
Title: Re: Su'aal: Shaaha Cagaaran Iyo Habka Ugu Wanaagsan Ee Loo Cabi Karo?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2015, 01:06:18 PM
Marka hore, faaidooyinka caafimaad ee ku xusnaa casharka aan uga hadalnay shaaha cagaaran waxaa badankood la dareemaa markii uu qofka joogteeyo isticmaalka shaaha cagaaran muddo dheer.
Ma ahan wax lagu fahmo dhowr maalmood.
Midda kale shaaha cagaaran in cunnada ka hor la cabo ayaa fiican ama lagu cabo caloosha oo maran, sida ay u kala fiican yihiin waxay ku xiran tahay sida uu shaaha saafi u yahay, waana inuu yahay "green tea extract", waxaa laga yaabaa inuu mgacyo kala duwan leeyahay.
Wax side effects ah oo ku saabsan weli ma maqal ama dad aanan loo ogolayn in ay isticmaalaan.
Ma jiro xilli gooni ah oo loogu talagalay in shaaha cagaaran la cabo, haddii aad joogtaysid muddo bilooyin ama sanadooyin ah in aad maalin kasta cabto ayaa ka faa'ido badan in aad dhowr maalmood aad 3 jeer cabtid kaliya.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.