Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on December 25, 2015, 12:46:16 PM

Title: Maxaa Keeno Gariirka ama Jaraynta Isha?
Post by: SomaliDoc on December 25, 2015, 12:46:16 PM
(http://somalidoc.com/Topics/gariiril.png)

Waa maxay gariirga / jaraynta ama dhifashada isha?
Tani waa cillad ay ka sheegtaan dad badani oo aan fasir lahayn, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "blepharospasm" waa in isha iyo baalashaba ay sameeyaan dhaqdhaqaaq aan contorool lahay muddo gaaban oo hal ama labo daqiiqo ah.
Qofka awood uma lahan inuu joojiyo marmarka qaar aad ayay u xoogan tahay oo isha in ay xiranto oo furanto ayaa suura gal ah.

Maxaa keeno gariirga isha?
Badanaa wax xanuun halis ah ma keeno, dhakhaatiirtane ma fasiri karaan markii aysan cillad kale jirin laakiin waxaa jiro dhowr xanuun oo lagu yaqaano in isha ay jareyso waxaana ka mid ah:

Xaaladaha qaar waxay tilmaan u noqon karaan xanuuno neerfo sida shimbirowga ama af-qallooca, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2715.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2715.0.html)

Wuxuu kaloo calaamad u noqon kartaa xanuuno neerfo ka dhasha lafaha qoorta oo xanuunsan.

Sida caadiga ah gariirka isha waxay ku tagtaa dhowr maalmood gudahood, waxaa dhici karta in qofka uu dhowr maalin oo isku xigta uu dareemo kadibne uu caadi ku soo laabto.
Taasi dhib ma keento laakiin qofka wuu dhibsan karaa.

Waxyaabaha ugu badan ee keena gariirkaan oo aan cudur ahayn, daawane aanan u baahnayn waxaa ka mid ah:

Goorma ayaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirto?
Waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirto haddii aad aragtid:

Talo:

Haddii aad su'aal caafimaad qabtod iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)