Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Anisabdi51 on April 01, 2017, 11:36:41 PM

Title: Su'aal: Dhiiga Cadada oo an goin ilaa bil?
Post by: Anisabdi51 on April 01, 2017, 11:36:41 PM
Dhaqtrka waxaa weydinaya Dhiga Cadada ayad iga warersan wuxuu iga socda BIL wana Marki igu horeysay Maxa keni kara?maxase u dawo ah mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Dhiiga Cadada oo an goin ilaa bil?
Post by: SomaliDoc on July 14, 2017, 08:06:45 PM
Waxaa cilladaan loo yaqaanaa "Anovulation", waxaana la arkaa marka ugu horayso oo gabadhu caadada hesho, sababtuna waa ugxantii oo aan la soo daynin maadaama ugxan sidaha uusan weli diyaar ahayn, laakiin badanaa wax dhib ah ma keento aan ka ahayn dhiigyari, laakiin muddo kadib markay dhambaallada kontaroola ugxan sidaha ay saxmaan, caadadu si dabiici ah ayay ku soo laabataa.

Hadduu dhiigbaxu badan yahay, waa inaad dhakhtar la xiriirtaa si laguu caawiyo, caafimaad buuxa insha'llah.