Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on May 07, 2017, 08:36:59 AM

Title: Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?
Post by: CilmiSabca on May 07, 2017, 08:36:59 AM
Salaan ka dib.
Caruurteydu waxa ay maalin walba cunaan Vitamin C. Kan ugu yar wuxuu cunaa ugu yaraan 5 midh.
Caruurta waxaan u diiday in ay cunaan nacnaca, maalmahaanna waxaan ogaaday in ay Pharmacy u dhaw ka soo qaataan Vitamiin C.
Haddii ay caruurtu sii wado Vitamiin C-ga ay maalinlaha u cunaan, ma laga yaabaa in uu balwad isku badalo ama ay joojin waayaan mustaqbalka?
Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?
Post by: SomaliDoc on October 12, 2017, 02:47:38 PM
Maya, balwada ma noqdo, waxyeellane ma reebo. sababtoo ah Vitamin C-gu wuxuu ku milmaa biyaha "Water soluble", marka wuu ka duwan yahay vitaminada kale sida "Vitamin A" oo aan biyaha ku milmin, waxyeellane keen hadduu jirka ku bato.

Marka "Vitamin C" wixii jirka ka bata ama baahi loo qabin, kaadi ahaan ayuu u soo baxaa inkastoo mararka qaar la dareemi karo shuban iyo calool majiir markuu wax badan hal mar laga cuno vitamin C-ga, laakiin wax dhib ah ma reebo.