Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cadnaan77 on August 28, 2018, 02:15:51 PM

Title: Su'aal: Acid-ka caloosha halkuu ku keydsan yahay?
Post by: Cadnaan77 on August 28, 2018, 02:15:51 PM
waa idin slaamay waana mahad santihiin waxaa rabaa in aad iga jawaabtaan su aal ah  acid ka caloosha inteey ku keey san tahay ma xamiitada eey ku keydan tahay aa soo deyso ama meel kale iga jaahil bixiya thanks
Title: Re: Su'aal: Acid-ka caloosha halkuu ku keydsan yahay?
Post by: SomaliDoc on January 27, 2019, 08:43:32 PM
Aashitada meel ay ku keydsan tahay oo laga soo daynaayo ma jirto laakiin wuxuu Alle xuubka caloosha ku abuuray unugyo muhiim ah oo loo yaqaano "Parietal cells" kuwaasoo sameeyo aashitada kadibne caloosha ku soo dhex daayo si ay dheefshiidka uga qeyb qaataan, xanuunka gaaska wuxuu yimaadaa markii aashitadaasi badato, taasoo keeni karto in caloosha boog ku samayso, daawooyinkane waxay hoos u dhigaan shaqada unugyadaas si gaaska loo daaweeyo, faahfaahinta xanuunka gaaska ka akhriso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0)