Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mkheag on February 14, 2009, 02:14:33 AM

Title: Su'aal: Maxaa keena taranka raga oo yaraado?
Post by: Mkheag on February 14, 2009, 02:14:33 AM
Ascww Salaan marka hore. in badan ba damacsanaa ina su'ashaan in aan idin waydiiyo, walale su'ashayda waxaa weeye, maxaa keena taranka raga in uu jilco o yaraada? iyo waqtiga galmada, inka yar 4 daqiiqo o shahwada timaado, iyo micnaha u yahay kaniiniga  Extrem formula measure-up. enlargement size.. iyo waxtarka kaniinigaan?
Wscww
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena taranka raga oo yaraado?
Post by: SomaliDoc on February 25, 2009, 09:48:42 PM
Akhriso qoraalkaan
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0)

Daawada aad sheegtay waxaa habboon in aad ka wareysato dhekhtarka kuu qoray.
Title: SU AAL KU SAABSAN GALMADA
Post by: Ashwaaq on April 07, 2009, 04:14:27 PM
w/s/c/ salaan kadib  dhaqtarka waxan waydiinaya suaal taas oo ah sidatam  aniga  waqtiga galmada aniga oo aad u sareeyo darenkeyga xaga rabitaan aya hadan markii uu ninkeyga ii galmoodo shahwada iiga imataa 3 daqiiqo gudahooda marka maxaa keenikara? mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena taranka raga oo yaraado?
Post by: Dr.Sharbele on April 08, 2009, 12:25:46 PM
(Brod sexual) ama (Erectile dysfunction) Hoosu-dhaca rabitaanka galmada waa xaalad marar badan ka dhacda Rag iyo dumar labadaba, waxana loo aaneeyaa inta badan iney sababto (Psychiatric illness) ama cudurada nafsaaniga ah, sida Murugada, Welwelka, Baqdinta (Phobia) iwm. sidoo kale waxa keeni kara (Diseases membership) cudurada ku dhaca hab-dhiska jirka, sida Cudurka (D.M) Sonkorowga (Kaadi-macaan), (Rinal Failure) ama Howlgabka Kelyaha iwm. Daawooyinka qaarkood hoos ayay u dhigi kartaa rabitaanka jinsiga, sida kuwa loo isticmaalo cudurada Dhimirka sida (Shezufrenia) &(Depression).
Waxan iyana meesha ka maqneyn dadka isticmaala Maandooriyaasha (Drugs) waxay inta ka cabanayan Rabitaan la'aanta jinsiga.

Himadda ama rabitaanka galmada bini-aadamka kuma xirna xilliyo ama waqti-gaar ah, halka rabitaanka xayawaanku ku tiirsan tahay xilliyo, xayawaanka waqtiyada ay dhediggu rimanyihiin sidoo kale ma dhacdo himaladooda.

Habdhis-yada ka masuulka ka ah Rabitaanka Galmada:-

Waxa masuul ka ah oo xakameeya rabitaankaas qanjidhka loo yaqaan(Pitiutry Gland) ee ku yaal qeybta danbe ee maskaxda,wuxuna soo daayaa dheecaano (Hormones) dardar geliya howsha galmada, sidoo kale dheecanka ragga (Teststerone Hormone) oo xiniiyaha soo daay. ama dheecaanka dumarka (Sterogen).

Shuruudaha Rabitaanka Jinsiga (Kacsiga):-

waxa ay ku xiran tahay da'da qofka, iyadoo ay hoos u dhacdo boqolkiiba 20% marka uu gaaro 60sano marka uu gaaro 70 sano waxay hoos u dhacdaa rabitaankiisu boqolkiiba 50%.
waxana inta badan shardi looga dhigaa:-
1.Aragga
2.Maqalka
3.Taabashada.
  sidoo kale xayawaanka waxa shardi u ah,  Urinta (Smell).

Baaritaanka Hoosu-dhaca rabitaanka galmada ((Brod sexual):-

-Cuduradda Nafsaaniga ah:waxa inta badan rabitoonkoodu kor u kacaa xilliyada hurdada iyo aroortii.
-Baaritaanka Cudurada raaga, sida Kaadi-macaan (Diabetes Mellitus)
-Wareegga dhiigga.
-xubnaha taranka,  sida xiniinyaha haddi infection jiro, ama uu nabar ku dhacay.
-Dheecanada jirka

Daaweyn:-
Daaweyntu waxay ku xiran tahay sababka oo la suuliyo, mararka qaar waxa jira Cuduro oo qofku ku dhashay oon daawoyin lahayn sida (Klainefture Syndrome) oo koromsomsku noqdo (XXY).

 
Title: THANKS Dr.sharbele
Post by: Ashwaaq on April 09, 2009, 01:22:57 PM
waad mahadsantahey  inbadan wan ka qalcey su aasha an ku waydiiyey oo ad iiga soo jawabtey sida sharafta leh thanks alot,,,,, waxaan kaloo idin waydiinayaa  ma idin ku jiraan wax cilmi u leh diinta oo aan su aalo diinta ku saabsan aan waydiisto mahadsanidiin
Title: su aasha ah maxaa keena in xiniinta bidix ay noqoto labo ayadoon barar iyo xanuu
Post by: Adow on June 19, 2015, 04:33:16 AM
waxaan rabay inaa waydiiyo dhaqaatiir maxaa keena in xaniinta bidix ay labo noqoto ayadoon xanuun iyo wax kala ay san jirin markay labo noqotayna ay yaraatay maxaase lagu daawayn karaa waa mahadsan tihiin
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena taranka raga oo yaraado?
Post by: SomaliDoc on June 20, 2015, 04:21:41 PM
Sidee lagu ogaaday in labo xiniinyo ku jiraan qooraha bidix? Ma wax cusub baa mise waa wax aad ku dhalatay oo aad isku ogeyd?
Haddii aadan ku dhalan, ma wax sidii xaniintii oo kale ah oo ka baxsan xaniinta ayaa ku arkaysaa qooraha dhexdooda oo saas ayaa ku tiri xiniin kale ayaa ka soo baxday meesha?!!

Fadlan faahfaahin dheeraad ah ku soo dar su'aashaada.
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena taranka raga oo yaraado?
Post by: Adow on June 21, 2015, 02:33:15 AM
haaaaaa aqii waa xiniin ku dhex jirta mida kale waana dareemaysa in ay tahay xaniin kale xidid baa isku haaya labadooda marka maxay noqonkartaa mise tahay wax dhici kara in labo xiniin ay meel kuwada yaalaan
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena taranka raga oo yaraado?
Post by: SomaliDoc on June 23, 2015, 01:30:17 PM
Waxaan kugula talin lahaa in aad takhtar la xiriirto si marka hore loo hubiyo waxa kale in ay xaniin yihiin ama in ay wax kale yihiin.
Waxaa laga yaabaa cad dheeraad ah ama xididada qooraha oo dhinac u guntamay ama dhiig meesha ku aruuray haddii hadda ka hor jug kaa gaartay xaniinta.
Laakiin qaabka aad u tilmaantay waxay iila egtahay xanuun la yiraahdo Varicocele oo dadka badanaa ku qaldaan in xaniin kale xaniintii hore ku agsamaysanto, laakiin waa xididada arooriyaasha dhiigga ka qaado xaniinta oo barar kadibna yeesho wax kuuskuusan, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0)