Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Doctoor on November 18, 2007, 11:39:02 PM

Title: Qiyaamaha waa "May 2008"!!!
Post by: Doctoor on November 18, 2007, 11:39:02 PM
Qolo u dhalatay dalka ruushka ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in maalinta qiyaamo ay ku aadantahay bisha "May" sanadka cusub 2008.
Kooxdani oo ka kooban 29 qof oo qaangaar ah iyo afar caruur ah ayaa waxa ay u hoydeen God ku yaalo tuulo ka mid ah dalweynaha ruushka, iyagoo aaminsan inay aduunyada dhamaaneyso bishaas.

Qoladaan oo ka tirsan kaniisad ka mid ah kaniisadaha ka dhisan wadanka ruushka ayaa fikradaan aaminay walaw aysan kaniisada aysan la qabin fikradaas, iyagoo yiri kaniisada waa qaladantahay.

booliska tuuladaasi jooga ayaa isku dayay inay godka ka soo bixiyaan, laakin way ku guuldareesteen kadib markii qolada ay ku dhawaaqeen in ay is dilayaan hadii loo soo dhawaado iyagoo adeegsanaya gaaska cuntada ay ku karsadaan.

Qoladaan ayaa isku diyaarisay inta laga gaarayo waqtiga aduunka uu dhamaanayo (sida ay aaminsanyihiin iyaga) iyagoo meesha ku keedsaday saad ku filan ilaa waqtigaas.

booliska ruushka ayaa ku guuleestay inay soo qabtaan hogaamiyaha kooxdaas, baaritaano kadib la ogaaday inuu qabo cudurka loo yaqaano "Schizophrenia" oo ah cudur kamid ah cudurada dhimirka gala.

Doctoor!
Title: Re: Qiyaamaha waa "May 2008"!!!
Post by: MuslimDoc on November 19, 2007, 02:17:20 AM
Doctoor waad iga dhixisay.

Qolada aad sheektay waa kuwo wareersan oo kuwii sanadkii 2000 is laayay oo yiri aduunyo gadoon ayaa dhici raba waxba ma dhaamaan, laakiin waxaaba iiga sii yaab badan ninka waalan ay ka amar qaataan.

Maalinta ay dhaceyso qiyaamaha ilaahay baa og, waana wax naga qarsoon, laakiin calaamado badan oo lagu garto inay soo dhawaatay ayaa rasuulkeena (nabadgalyo iyo naxariis korkisia ha ahaatee) inoo sheegay, qaar badan oo kamid ahne way dhaceen.

Ilaahay nagama dhiga kuwii qiyaamo ku dhacdo.

MuslimDoc
Title: Re: Qiyaamaha waa "May 2008"!!!
Post by: Munim on November 21, 2007, 07:35:27 PM
Alxamdulilaah cala nicmati al-islaam
Title: Re: Qiyaamaha waa "May 2008"!!!
Post by: Mankay on November 23, 2007, 04:19:02 PM
salam aliakum
miyaad hilmaamteen!!!!!!! xadiith rasuulka scww  oo jibriil aliahi al-salam ku  weydiinayo waqtiga ay saacada ama qiyaamuhu dhici doono, uguna jawaabay in ilaahay mooyee qofkaloo og ayyan jidhin .. marka wixii kasoo harey .. romeyn malaha ..oo dabcan dadkan saa oranaya waa  wareersan yihiin ay usii dheertahay ayagoon islaam ahayn ..

koley lama rumeyo meel kasoo qaadna malaha warkaasi .. lakin waqtigii ilahaya ugu tala galay bay dhaceysaa.
regards
mankay
Title: Re: Qiyaamaha waa "May 2008"!!!
Post by: Dr.Adnan on December 19, 2007, 04:04:03 PM
they are not the first to say that, Aztecs also belief that ressuraction day will be on 12 December 2012
Title: Re: Qiyaamaha waa "May 2008"!!!
Post by: HassanSunni on December 20, 2007, 01:05:20 PM
Gaalada mar kastaaba waxa ey isku dayaan in wax indhaha caalamka ama bulshada soo jiito ineey keenaan,balse arintaan sida warbixinta ku cad
waxa ka danbeeyay qof dhimirka isaga ka xanuunsanayo
balse waxaan hubaal ah in daciifnimada gaalada aawgeed ey xitaa dhici karto in arintaan ey ka danbeeyaan dad fiyow waa sida aan qabo anigee
waxaana xitaa ka suuroowdo in wax ka daran ey soo gudbiyaan
waxaana la gudboon dadka musliminta in ey ka hortagaan falalka noocaan ah
wacyi gelina loo sameeyo bulshada si dadka qaar aaney waxyeelo u geysan
fikradahasi xanuunsanaya

By:Hassan Suni
SCND Chair
www.xasansuni.cjb.net