Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on February 06, 2012, 12:11:11 AM

Title: Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?
Post by: CilmiSabca on February 06, 2012, 12:11:11 AM
Asc wrtwb. Bacda salaam.
Dhakhtar, Walaashey ayaa waxa ay ka cabaneysaa xanuuno ay ii sheegtay in ay habeenkii la liidato, xanuunadaan oo la xidhiidha is badalada hawada, tusaale markii hawadu kulushahay, waxa ay dareentaa calaacalaha gacmaha, cagaha inta cadcad oo gubta ama kuleyl ah, iyo afka ilaa dhuunta oo qaleyl ah, iyo madaxa oo dhan markay u jeesata ba 'dhaw dhaw' yidhaahda, isla markaana xanuuna, iyo sidoo kale marka ay hawadu qaboowdo (oo ay dhaxantu bilaabato) waxa ay ka barafowdaa calaacalaha iyo cagaha inta cadcad, laakiin af qaleyl iyo madax xanuunkii lama ay socdaan.
Da'deedu waa 23yrs, culeyskeeduna 58, dhererkeeduna waa 185, waana xaas waxayna nuujisaa cunug 15months jira. Marka dhakhtar, waa maxay xaaladdaan? Waad mahadsan tahay Dhakhtar.
Title: Re: Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 02:33:13 PM
Walaashaa ha iska baarto HB-ga dhiigga, maxaa yeelay calaamada aad sheegtay waxay tilmaamayaan dhiig yari.
Haddii HB-ga uu yahay dabiici, ka cabbir cadaadiska dhiigga.