Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hotboy911 on June 13, 2015, 09:09:30 AM

Title: Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)
Post by: Hotboy911 on June 13, 2015, 09:09:30 AM
Asc Dr.......

Salaan kadib waxa aad u kala weyn dhidkeyga inta sare iyo inta hore ,sidii dumarki oo kale ayaan xaga hore u weynahey sida..
badhida ,bowdyaha,cagaha adu dhaman xaga hore.

xagasarane aad ayaan  u dhubanahay very skinny ,murqaha gacanta oo aad u yar ,fedhaha o aad u yar, waxaad modaa inanay cuntadu xaga sare gadheyn.

Markaa dhakhtare maxaa kena meelo ayaan ka akhriayay waxa aad cuntay cunto ay kubadantahay carbonhadareytka  markaa maxaan sameyaa dhakhtara xata wali ma arag ruux sidayda oo kale ah, waan ka xishodaa inaan dabasho.

hadi uu jiro inaad iga codsato inan khartar u tago magaci khartarka waxan ku takhasusay (tusale ENT = dhakhtarka dhagaha ,sanka iyo cuna) waayo waxa xagan yar fahanki ,oo ma joogo wadanki.
Tnkz
Title: Re: Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)
Post by: SomaliDoc on June 13, 2015, 03:26:34 PM
Korriinka jirka oo aan isku dheelli tirneyn waxay ka imaan kartaa cillad xagga quudashada nafaqada jirka oo kala badan sida tusaale ahaan in xididada dhiigga gaarsiiyo qeybta hoose in ay cillad ka jirto sida inay ciriiri yihiin oo kale, waxaana calaamadahaan caan ku ah xanuun la yiraahdo "Coarctation of Aorta" oo ah halbowlaha weyn ee dhiigga wadnaha ka keeno oo qeybta hoose badanaa dhiigga gaarsiiyo, laakiin waa inuu qofka dareemaa cillado kale sida daal markuu jimicsi sameeyo ama neef-tuur ama lugaha oo qabow noqdo ama xanuun laga dareemo jimicsiga ka dib.
Qasab ma ahan in aad dareentid calaamadahaas, waxayna ku xiran tahay heerka uu gaarsiisan yahay xanuunkaas, waana cillad lagu dhasho.

Midda kale, haddii ay jirto cillad xagga hormoonnada oo koriinka saamaynayso iyadane way keeni kartaa, haddii abuurka ilaahay sidaa kuu abuurayne way dhici kartaa.

Haddii astaamaha aad tilmaantay ay tahay mid aad u muuqata oo si sahlan lagu ogaan karo waa la baari karaa, iyadoo la fiirinayo xanuunada badanaa cilladaan keeni kara oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor ku soo xusay.

Haddii ay tahay shakki kaliya ama cayil wax la xiriiro taasi cillad a ahan oo abuurista ilaahay ayaa keensato marmarka qaar meelaha jirka cayilka uu ka galo ama baruurta fadhiisato in lagu kala duwan yahay sida dadka qaar ayaa bowdyaha iyo barida ka cayilo, dad baa caloosha kaliya ka cayilo, dad baa garbaha iyo dhabarka ka cayilo, dadbaa qoorta ka cayilo.
Takhtarka aad u tagayso waa takhtar ku taqassusay cudurrada guud, weliba "Internal Medicine".

Marka adigaa is garanaysid, haddii ay arrintaan welwel kugu hayso la xiriir takhtar.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)