Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: AarDacar on April 10, 2016, 10:58:16 PM

Title: Su'aal: Waa Maxay Dhibaatadda Biraha Isgaadhsiinta (Tawers)?
Post by: AarDacar on April 10, 2016, 10:58:16 PM
Waa Maxay Dhibaatadda Biraha Isgaadhsiinta (Tawers)?
Asc, Dictoore waxaad naga jaahil tirtaa dhibaatadda caafimaad ee ay leeyihiin biraha isgaadhsiinta lo isticmaalo oo dalkeena aad uugu soo badanayaa waayahan danbe ku waasoo dhibaato badan  dadku ka sheegtaan.
dhibaatooyinka lasoo dheego ee aad ka looga cawdo waxaa kamida.
Title: Re: Su'aal: Waa Maxay Dhibaatadda Biraha Isgaadhsiinta (Tawers)?
Post by: SomaliDoc on April 29, 2016, 08:33:51 PM
(http://somalidoc.com/Topics/isgaarsiin.png)

Arrintaan ku saabsan in biraha isgaarsiinta laga qaado cudurro ay ka mid yihiin Kansarka waa arrin muddo badan laga doodayay, inkastoo cilmibaarisyo kala duwan lagu sameeyay dadyow ag daggan birahaas iyadoo la barbar dhigayo caafimaadka dad kale oo dagan meelo ka fog birahaas.

Cilmibaarisyadaas markii la isku soo duuduubo waxay u badan yihiin dhinaca in aysan keenin dhibaatooyin caafimaad, arrinkaas oo keentay in WHO ka soo saarto go'aan ah in birahaas sida dadka qaar ay aaminsan yihiin in ay kansar keenaan in aysan waxba ka jirin, maadaama ay WHO sheegtay in dhambaallada birqabadka leh ee birahaas sii daynayaan ay ka wood yaryihiin kuwa ka baxayo raadiyayaasha iyo TV-yada la isticmaalo.

Dabcan way jiraan qolooyin ka doodo arrimahaan oo weli ku dhaggan ra'yiga ah in birahaan ay cudurro keenaan oo ay ka mid yihiin: Kansar, Cillado maskax ah sida korriinka, xasuusta, waxbarashada caruurta, dhalmo la'aan iyo cillado wadne xanuun.

Dhibaatooyinkaan kor ku xusan looma hayo caddaymo wax ku ool ah oo looga qaadan karo go'aanno inkastoo ay jiraan dhowr cilmibaaris oo taageersan oo laga soo sheegayo dalal badan oo ay ka mid yihiin: Australia, Germany, Israel iyo Brazil.

Waxaa jiro qolo kale oo is barbar dhigay labadaan ra'yi ee iska soo horjeeda iyagoo isku dayay in ay ogaadaan kii xaqiida u dhaw, waxayna ra'yigooda ku soo gabagabaeeyeen in go'aan ka gaarista birahaan ay u baahan tahay caddaymo ka xoog badan kuwa la hayo maanta iyo cilmibaarisyo intaa ka badan, inta warbixintaas laga helayane, go'aan bulshada welwel ku abuuri karo lama qaadan karo xilligaan la joogo.

Hay'adaha diidan in birahaan dhib keenaan waxaa ugu horreeyo WHO, FDA iyo shirkada isgaarsiinta laftirkooda.
Qolooyinka aaminsan in birahaan dhibaato keenaan waxaa ugu horeeyo hay'ado iyo ashkhaas kala duwan oo u dooda xuquuqda deegaannada iyo caafimaadka bulshada oo ka soo jeedo wadamo dhowr ah.

Akhriso qoraal aan kaga hadalnay Mobeellada iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5953.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5953.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)